HomeGuddoomiyaha Selal Oo Ka Hadlay Dhismayaal Xuduudka Jabuuti Ku Dhow Oo Ay...

Guddoomiyaha Selal Oo Ka Hadlay Dhismayaal Xuduudka Jabuuti Ku Dhow Oo Ay Burburiyeen

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Saylac, (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Selal Cabdirisaaq Waabari Rooble,ayaa ka war bixiyay dhismayaal sharci darro ah oo kooxo kootarabaan ay ka dhiseen meel u dhow xadka ay Jabuuti iyo Somaliland wadaagaan.Cabdirisaaq Waaberi Rooble

Guddoomiyaha gobolka Selal waxaa kale oo  uu meesha ka saaray warar sheegayay in dhismayaasha ka bur buriyiyeen   baabiintooda uu dalabkoodu ka yimi dhanka Jabuuti.

Waxaannu cadeeyay  in babiinta dhismayaashaasi ay yihiin tallaabo sharci ah oo ay qaaday Xukuumadda Somaliland.

“Horta dhismayaal iyo deegaan la deganaa oo aanu baabiinay ma jirto,  laakiin waxaanu duminay waabab ay dhisteen dad waxyaabo aan wanaagsanayn ka ganacsada oo si tuugo ah halkaa u  marin jiray meeshuna  Lawyacaddo ayay dhanka Koonfureed ka xigtaa 14 KM halka ay xadka aynu Jabuuti la wadaagnona u jirto ugu badnaan hal KM markaa waxay khatar ku tahay ammaan ahaan waxay khatar ku tahay in maandooriyeyaal la isaga gudbiyo labada dal waxay halis u tahay wax kasta oo aan sharci  ahayn in  ay marin u noqoto,”ayuu yidhi Badhasaabka Salel.

Badasaabka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Markaa sidaas ayaan u baabiinay waababkaa ka dib markii ay ka dhego adaygeen dadkii waababkaa sharci darrada ah samaystay.”

Mar aanu waydiinay in burburinta  dhismayaashaasi uu ka dhashay dalab uga yimid   dalka Jabuuti waxa uu kaga jawaabay  “Horta dalku Jabuuti maaha ee waa Somaliland wax kasta oo Somaliland dhibaatou keenayana dawladda waajib ayaa ka saaran in ay ka hor tagto, markaa waababkaasi waxay ahaayeen meelo si qarsoodi ah loo soo mariyo kiniino khariban iyo waxyaabaha dumarku isku caddeeyaan.  waxaa kale oo  suuragal ah in daroogana laga soo gudbin karo.  waxaa kale  Somaliland ay xidhiidh wada shaqayneed oo wanaagsan ay la leedahay dalalka Dariska ee aynu xuduudka wadaagno sida Jabuuti iyo Itoobiya  dhankoodana waa u diyaar in ay xidhiidhkeenna wada shaqayneed ilaaliyaan  innagana (Somaliland) waajib ayaa innaga saaran in aan dhawrno markaa dal ahaan ayaanay innoo wanaagsanayn in dalkeenna lagaga cawdo in ay ka jirto meelo kootarabaan la mariyaa sidaas ayaanan u baabiinay waana dhulka caagan in la deegaameeyo horena ammarro iyo digniino ayaa uga soo baxay laakiin markii ay ka dhego adaygeen ayaan tallaabadan ka qaadnay.”

Waxaa kale oo aanu waydiinay in ay jiraan dad ay ku soo qabteen waababkaa ay baabiiyeen oo xidhani,waxaanu yidhi. “Haa illaa sadex qof ayaanu ku soo qabanay oo xidhan kuwaasoo meesha ka samaystay berkado ay biyaha ku shubtaan markii aanu amarnay inay baabiiyaanna diiday imikana way xidhan yihiin.”

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories