HomeGuddoomiyaha Sanaag oo ka warbixiyey Dilal Muddooyinkii u dambeeyey ka dhacay gobolkaas...

Guddoomiyaha Sanaag oo ka warbixiyey Dilal Muddooyinkii u dambeeyey ka dhacay gobolkaas iyo Dhalinyaro loo xidh-xidhay Xisbiga Kulmiye

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Gar-adag (SLpost)- Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka warbixiyey dilal todobaadyadii u dambeeyey ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolkaas iyo sababta xadhigga dhalinyaro lagu xidh-xidhay degmada Gar-adag oo badhasaabka iyo wefti uu hoggaaminayaa socdaal shaqo ku gaadheen.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag waxa uu faahfaahin ka bixiyey dilal ka dhacay gobolka Sanaag oo dadkii geystay qaarkood gacanta lagu hayo, halka kuwo kalena ay baxsadeen illaa immikana aan gacanta lagu dhigin, iyada oo kiisaska dilalkani ku jiraan Maxkamadaha gobolka iyo degmada.

“Illaahay mahaddii xaaladda gobolku way fiican tahay, nabadgelyadu aad iyo aad bay u fiican tahay. Way jiraan dilal iska dhacdhaca oo runtii gobolku waa gobol ballaadhan oo dad badani deggan yahay, markaa way jiraan dad la dilay, Maalin dhawayd mid yar baa mid feedhay oo aan ahayn ula kas ee Arday iskuul ka soo rawaxay ahaa labadooduba, Ardaygii Ardayga kale feedhay wuu dhintay amarka Illaahay,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax oo khadka telefonka ugu warramay Wargeyska Himilo Xalay isaga oo ku sugan degmada Gar-adag.

Taliyaha oo Hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Laba Geel-jire ah oo Geel wada raacay oo toorri isku dhuftay iyagoo lagdamaaya oo weliba dhalinyar ah baa iyaguna jira oo mid dhintay. Labadii dhintay mooyee labada kale waa la qabtay, dilalkana dhawr nooc baa loo kala qaadaa, markaa weli xallintoodii lama gelin. Dilalkuna waa dilal aan ula kac ahayn ee Allaah keenay oo Maqaaddiir ku yimi.”

Guddoomiye Maxamuud Cali (Ramaax) oo la weydiiyey waxa ka jira Dhalinyaro tiro badan oo la sheegay in lagu xidh-xidhay Gar-adag iyo in dhalinyaradaas loo xidh-xidhay Calanka Kulmiye oo ay gubeen iyo inay Xisbigaas ka baxeen, wax auu jawaabay,“Dhalinyarada wixii dembi sameeya waa la xidhayaa, horena waa loo xidhi jiray, waana la xidhayaa, halkan oo keliya maaha ee Ceerigaabo ayaa lagu xidhaa, Maydh baa lagu xidhaa, Degmooyinka kale ee gobolku ka kooban yahay baa lagu xidhaa, halkan baa lagu xidhaa.”

“Wax hawlahaas ku xidhani ma jiro, wax hawlo nabadgelyo ah mooyaane horta calan la gubay ma jiro meeshan (Gar-adag) oo anigu aan ogahay. Hase-yeeshee, way jiraan Dembiilayaal la xidhay oo laba ah. Had iyo jeeraalana Boolisku waxay u xil-saaran yihiin inay qabtaan cid kasta oo dembiile ah ama falal samaysa, laakiin cid gaar ah oo si gaar ah loo xidhay ma jirto.

Dacaayaddu way iska jirtaa oo xalay (habeen-hore) ayaan TV-ga ka maqlayey Inan Weriye ah baa la xidhay, waxbana kama jiraan Gabadh Weriye ah oo Gar-adag lagu xidhayna maba jirtaba,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories