HomeGuddoomiyaha UCID Oo Ka Hadlay Safarka Wefti Madaxweyne Siilaanyo Hogaaminayaa Ku Joogaan...

Guddoomiyaha UCID Oo Ka Hadlay Safarka Wefti Madaxweyne Siilaanyo Hogaaminayaa Ku Joogaan Imaaraatka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berlin, (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in Somaliland bushaaro wanaagsani uga soo socoto dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kadib booqashada uu halkaa ku tagay Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayaa.

Eng. Faysal Cali-waraabe oo isaga iyo Wasiirka Qorshaynta Somaliland shir kaga qaybgalayaan Jarmalka, ayaa xog-warran kooban oo uu qaar ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ku siiyey madaarka diyaaradaha ee magaalada Frankford ee dalkaas oo halkaa ku soo dhaweeyey, waxa uu sheegay in safarka wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo ku joogo dalka Imaaraadka ay ka soo socoto bushaaro wanaagsani, “Waxaan soo maray oo aan toddobaad

iyo dheeraad joogay dalka Imaaraadka, waxa igaga daba yimi wefti uu hoggaaminayo Madaxweynuhu oo aan ku booqday Abu Dabai, weftigaasi si fiican ayaa loo qaabilay oo albaabada ayaa la inoo furay, markaa halkaa wax aka soo socota bushaaro wanaagsan,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.

Waxa kaloo uu xusay in shirka ay ka qaybgalayaan isaga iyo Wasiirku oo ah mid caalami ah oo adduunka oo dhan isugu yimaado sannad kasta (International Barlin Gadaring) ay u qorshaysan tahay inay la kulmaan madax kala duwan iyo wasaaradaha arrimaha dibadda iyo qorshaynta ee Jarmalka oo ay kala hadlaan arrimaha Somaliland.

“Sidoo kale bisha September ee sannadkan waxa bilaabi doona urur ganacsiga ah oo ay ku midoobeen Somaliland iyo Jarmalka oo la yidhaa (German – Somaliland Trade and Busisses Forum) oo aannu berigii hore ka shaqaynay, kaas oo ganacsatadeennu iman doonto Isha Allah,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali.

Hadalka Guddoomiyaha UCID ayaa imanaya waqti wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo) ay booqasho ku joogaan dalka Imaaraadka Carabta oo casuumadi uga timi, una soo diray diyaarad khaas ah oo ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Hargeysa toddobaadkan, balse ilaa hadda si cad looma shaacin sababta martiqaadka Imaaraadka iyo qodobada dhabta ah ee labada dhinac ka wadahadleen.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories