HomeGuddoomiyaha Olombikada Qaranka Somaliland Xasan Waraabe Cade Oo Shalay Si Balaadhan Loogu...

Guddoomiyaha Olombikada Qaranka Somaliland Xasan Waraabe Cade Oo Shalay Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Olombikada Qaranka Somaliland Xasan  Maxamed Cabdulle (Xasan Waraabe Cade) ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay Caasimada Hargeysa.

WaraabeXasan Waraabe Cade oo ka soo degay garoonka diyaaraha ee Egal International Airport ayaa halkaas waxa ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha Maxamed  Xuseen Axmed (Dhabeeye), Ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), Bahweynta Ciyaaraha dalka, iyo Dhalinyarada kubada cagta oo aad u tiro baddan kuwaas oo watay Baabuur lagu soo xardhay sawirada iyo magaca Xasan Waraabe Cade.

Waraabe 3Xasan Waraabe Cade oo qadar yar ku nastay qolka VIP ayaa hadal kooban halkaasi saxaafada ku siiyey isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu dalkiisii Hooyo yimaado si qurux baddana loogu soo dhaweeyo, isagoo Dhalinyaradii aad uga mahad-celiyay soo dhaweynta balaadhan ee ay kala hor yimaadeen, isagoo balanqaaday inuu wax baddan ka qaban doono dhisida Shuruucda Ciyaaraha ee Somaliland, isagoo sidoo kale carabka ku dhuftay inuu ku dedaali doono inay shuruucdu noqdaan kuwo Barri ilaa Galbeed loo siman yahay oo lagu wada dhaqmo.

Waraabe 1 Waxa isaguna goobtaasi ka hadlay Agaasimaha Wasaarada Ciyaaraha Maxamed Dhabeeye isagoo sheegay inuu aad u soo dhawaynayo Xasan imaanshihiisa iyo xilka dhawaan loo magacaabayba, isagoo sheegay inuu xasan wax weyn qaban doono maadaama isagoo aan xil hayn si is xilqaan ah uu horeba uga shaqayn jiray sidii uu u horumarin lahaa Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.

Waraabe 2Intaas ka dib Xasan Waraabe Cade ayaa waxa Baabuur aad u tiro baddani u soo galbiyeen dhinaca Wasaarada Ciyaraaha iyadoo magaalada dhexdeeda ay baabuurtaasi ku soo mareen sacab iyo hoon iyagoo luxaya sawirada Xasan Waraabe Cade. Ugu damabayntii waxa isaguna si diiran Xafiiskiisa Wasaarada Ciyaaraha ugu soo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Cali Siciid Raygal, waxaana Wasiirka oo Dhalinyaradii faraha baddnay ee soo buux dhaafisay Wasaarada la hadlayey uu u sheegay inuu Dhalinyarada uu u magacaabay ninkii ay jeclaayeen sidaas darteedna ay si fiican ula shaqeeyaan iyagoo dhalinyaraduna ay sacab iyo sawaxan ku soo dhowaysay hadalka Wasiirka. Isku soo wada duubo Masuulkan oo ku suntan Ciyaaraha dalka ayaa laga rajo qabaa inuu wax weyn ka qaban doono maraxalada ciyaaruhu maanta ku sugan yihiin.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories