HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Tabobar U Xidhay Bahda Garsoorka iyo hay’adaha Wada-shaqayntu...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Tabobar U Xidhay Bahda Garsoorka iyo hay’adaha Wada-shaqayntu Ka Dhaxayso

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa Khamiistii shalay tabobar muddo dhowr maalmood ah socday u soo xidhay xubno ka tirsan Bahda Garsoorka iyo hay’adaha dowliga ah ee Wada-shaqayntu ka dhaxayso.

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali Oo ay wehelinayaan Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Cali Suudi Diiriye, La taliyaha dhanka Shareecada Maxkamadda Sare SH. Dr Ciise Maxamuud Cabdilaahi, Lataliyaha dhanka farsamada Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur, Isu-duwaha Maxkamadaha Guur-guura, Sharmaarke Yuusuf Faarax iyo saraakiisha waaxda tababarada Maxkamadda Sare, waxa uu gelinkii dambe ee shalay tabobar u soo xidhay 50 xubnood iskugu jiray Garsoorayaasha heerarka kala duwan ee Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex, Xeer-ilaaliyayaal, Qareenno, saraakiil ka socday Guddida Dacwadaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska gaar ahaan laanta nabad-galyada wadooyinka (Taraafikada).

Taliyaha Qaybta Bariga Caasimada Hargeysa ee Ciidanka Nabad-galyada Wadooyinka Xasan Sh. Axmed, oo ku hadlayay afka kasoo qayb-galayaasha ayaa ugu horayn sheegay in tababarku ahaa mid muhiim ah isla markaana uu yaryahay in la helo noociisa oo kale.

blankDhanka kale La taliyaha dhanka Shareecadda Maxkamadda Sare Sh. Dr Ciise Maxamuud oo kamid ahaa khuburadii bixinaysay tababarka, ayaa hoosta ka xarriiqay in Garsoorku maanta marayo meel aad u wanaagsan isla markaana ay bulshadu rajo-weyn ka qabto shaqada iyo hawsha qiimaha leh ee ay u hayaan. Dr-ka ayaa is-dul-taagay aqoon-korodhsiga joogtada ah ee Garsoorku helay in ay laf-dhabar u tahay waxqabadka iyo fir-fircoonida ka muuqata guud ahaan Bahda Garsoorka.

Waxa kale oo madasha ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diirye, oo xusay in tababarkani uu hal-bowle u yahay aqoon-is-waydaarsi sal-balaadhan, kaasi oo ay kasoo qayb-galayaashu fursad u heleen, maadooyinkii wakhtiga dheer lagu qaadan jiray oo loo soo koobay, isla markaana ay bixinayaan khuburo ay kamid yihiin Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Xeer-ilaaliyihii Guud iyo culimo aqoon-durugsan u leh cilmigii shareecada Islaamka. Geesta kale Garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa ka soo qayb-galayaasha ku booriyay in ay mar walba isbarbar wadaan aqoon-korodhsiga iyo waayo-aragnimada ay ka dhaxlayaan goobaha shaqada.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa tibaaxay in markasta oo aqoon-is-waydaarsi yimaado ay shaqadu sii horumayso isla markaana ay sare u qaadayso hufnaanta iyo degdesiimaha shaqada. Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa xusay Garsoorku yahay muraayadii bulshada, kaasi oo cidkasta oo waddanka maal-gashanaysaa ay ku xisaabtamayso, waxaanu sheegay in muddooyinkii u danbeeyay Bahda Garsoorku ku talaabsatay horumar baaxad leh.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababarka soo xidhay, ayaa sheegay in sare u qaadida cilmugu uu kamid yahay, halbeegyada ugu muhiimsan ee ay ku taamayaan. Taasi oo kamid ah tiirarka laf-dhabarta u ah dib-u-habaynta Garsoorka, waxaanu Guddoomiyuhu xusay in Maxkamadda Sare heshiis waxbarasho la gashay 9 Jaamacadood oo dalka oo dhan ah si looga midho-dhaliyo aqoonta Bahda Garsoorka. Guddoomiyaha ayaa xubnaha ku dhiirigaliyay in markasta oo ay firaaqo helaan ay ku buuxiyaan wakhtigooda daraasaynta iyo barashada cilmiga isla markaana ku dabaqaan shaqada maalinlaha ah ee ay hayaan. Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa geesta kale xusay in Bahda Garsoorku tahay hal-tiir oo shaqo kali ah wada haya, taasi oo ah in cadaaladda la gaadho, haddii ay tahay, Qareenka cid difaacaya, Xeer-ilaaliyaha dacwad oogaya iyo Garsooraha dacwadda go’aanka ka gaadhayaba.

blankGunnaanadkii Guddoomiyaha ayaa uga mahad-naqay khuburadii darsiyada qiimaha badan bixinaysay iyo xubnihii sida milgaha leh uga faa’iidaystay muddadii lixda cisho ahayd ee tababarku socday, waxaanu xusay in tababaro kale oo kan ku lammaana dhawaan gobolada laga fulin doono iyadoo loo qabanayo qaybaha kala duwan ee Bahda Garsoorka iyo Cadaaladda.

Wa bilaahi tawfiiq
Ibraahin Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories