HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tabobar u soo xidhay Xubno ka mid ah...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tabobar u soo xidhay Xubno ka mid ah Garsooreyaasha dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed oo uu wehelinayay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, ayaa Gelinkii dambe ee Khamiista maanta tababar u soo xidhay 37 Garsoore oo ka kala socday Maxkamadaha heerarka kala duwan ee Gobolka Maroodi-jeex, Gabilay iyo Hawd.

blankTabobarka oo 26-kii February la furmay magaalada Hargeysa, ayaa ku qotomay ku qotomay nidaamka dacwadaha loo raaco, anshaxa suuban ee laga rabo qofka garsooraha iyo hab-raacyada muhiimka ah ee waajibka ay tahay in ay dhugmo yeeshaan garsoorayaashu.

Sida lagu sheegay war-qoraal ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare ee JSL, Garsoorayaasha ka qayb galay tababarka ayay u ahayd fursad ay ku soo bandhigaan arrimaha ay tabayaan, waxaanay is waydaarsadeen dhexdoodu aqoon iyo waaya-aragnimo sal-balaadhan, halka ay si mug leh uga faa’iidaysteen khubaradii bixinaysay tababarka, oo soo diyaariyay duruus kala duwan oo hal-bawle u ah hawlaha garsoorka.

Warku waxa uu intaas ku daray in tabobarka Si gaar ah diiradda loogu saaray Axkaamta Islaamka ee ku taxaluqda garsoorka iyo Xeerarka Madaniga iyo Ciqaabta, waxaanay xeel-dheerayaashu la waddaageen garsoorayaasha arrimo badan oo laf-dhabar u ah geedi-socodka dacwadaha iyo hufnaanta shaqo ee garsooraha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye oo ka mid ahaa barayaasha hagayay tababarka, ayaa la dardaarmay garsoorayaasha tababarka ka soo qayb galay waxaanu u rajeeyay in ay shaqadooda ku dabaqi doonaan duruusta ay korodhsadeen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed oo hadal ka jeediyey gunaanadkii tabobarka, ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay aqoon korodhsiga iyo in qofka garsooraha ahi wakhtigiisa firaaqada ah uga faa’iidaysto korodhsiga cilmiga, isagoo markiisa horaba ay aqoontiisu dhisan tahay, haddana aanu ka daalin in uu maalin walba bog cusub furto si uu martaba sare u gaadho bulshadana ugu anfaco. Waxaanu ku booriyay in ay u sii gudbiyaan xubnaha aan fursada u helin tababarka.

Geesta kale guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ballan-qaaday in ay sii wadayaan tababarada iyo aqoon-is-waydaarsiga si garsoorayaasha dhexdoodu u kala faa’iidaystaan una kala korodhsadaan waayo-aragnimada iyo khibrada ay is dheeryihiin, waxaanu ballan-qaadkiisa ku sheegay in ay sare u qaadi doonaan tababarada laga fulinayo gobolada iyo degmooyinka dalka kuwaasi oo diirada lagu saarayo mawduucyada haddba muhiimka loo arko, gaba-gabadii waxa uu guddoomiyuhu guddoonsiiyay shahaadooyin xubnihii garsoorayaasha ahaa ee muddada lixda cisho ahayd tababarku u socday, waxaanu u rajeeyay in ay sii libin-laabi doonaan dedaalkii ay horaba bulshada ugu hayeen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpos.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories