HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tabobar u furay Garsooreyaasha Maxkamadaha Dalka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tabobar u furay Garsooreyaasha Maxkamadaha Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta magaalada Hargeysa tabobar muddo lix maalmood ah soconaya u furay qaar ka mida h garsooreyaasha maxkamadaha dalka.

Guddoomiyaha waxa wehelinayey Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Sare isla markaana ka mid ah khuburada tababarka bixinayay iyo Madaxa Tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin.

blankGarsooreyaasha tabobarka loo furay oo tiradoodu tahay 37 garsoore oo ka tirsan Maxkamadaha heerarka kala duwan ee gobolka Maroodi-jeex, Gobollada Hawd iyo Gabilay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray madaxa warbaahinta ee Maxkamadda Sare ee Somaliland Ibraahim Maxamed Cali, Tababarka oo socon doona muddo lix cisho ah, ayaa lagu qaadanayaa duruus ku saabsan habka qaadista dacwadaha iyo anshaxa wanaagsan ee garsoorka, iyadoo lagu lafa-guri doono arrimaha gun-dhigga u ah garsoorka sida Shareecadda Islaamka, xeerarka Madaniga iyo Ciqaabta iyo xeerka anshaxa Garsoorka, waxaana muddada uu tababarku socdo garsoorayaasha ka soo qayb galay ay isku waydaarsan doonaan waayo-aragnimadooda iyagoo geesta kalana ka faa’iidaysan doona khubarada tababarka bixinaysa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye oo furitaanka tababarka ka hadlay ayaa xusay in ay muhiim tahay in qofku ku baraarug-sanaado in ay wax ka dhiman yihiin oo ay lama-huraan-tahay in uu korodhsado cilmiga.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali oo tababarka furay ayaa sheegay in tababarkani daba-socdo tababarro ay Maxkamadda Sare hoggaaminaysay oo qayb ka ah dadajinta dacwadaha iyo tayaynta hawl-wadeenada garsoorka, waxaanu guddoomiyuhu hoosta ka xariiqay in ujeedada tababarku tahay sidii aragti cusub iyo fikir cusub uga dhalan lahaa ra’yi-is-waydaarsiga ku jira tababarada.

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali waxa uu garsoorayaasha kula dardaarmay in aanay ka daalin in ay kordhistaan aqoontooda, isagoo u hoga-tusaaleeyay garsoorayaasha in ujeedada laga leeyahay tababaradu ay tahay sidii loo horumarin lahaa loona sii wanaajin lahaa shaqada garsoorka, waxaanu gunnaanadkii u soo jeediyay garsoorayaashii soo xaadiray tababarka in ay kala faa’iidaystaan muddadaa uu tababarku u socdo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories