HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tabobar u furay 30 Garsoore oo ka hawl-gala...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tabobar u furay 30 Garsoore oo ka hawl-gala Maxkamadaha Gobolka Maroodijeex.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta magaalada Hargeysa tabobar uga furay garsooreyaal ka hawl-gala Maxkamadaha gobolka Maroodijeex iyo Degmada Hargeysa.

Tabobarka oo muddo laba maalmood ah socon doona ayaa qayb ka ah tabobarro taxane ah oo kor loogu qaadayo tayada garsoorka dalka iyo Aqoonta garsooreyaasha ee ku aaddan shareecada Islaamka, waxa guddoomiyaha ku wehelinayey furitaankiisa Lataliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur iyo Madaxa Tababaradda Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahim, waxaana duruusta lagu bixinayo ka ka qayb-qaadanaya 30 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodijeex iyo Maxkamadda Degmada Hargeysa.

Tababarkan oo ay bixinayeen Sheekh Maxamed Cali Gadhle iyo Dr Xuseen Xasan Cali ayaa diirada lagu saarayay Qoomaha iyo Axkaamta Islaamku u jideysay, noocyada xukunka iyo asbaabaha loo buriyo. Ugu horayn waxa aqoon-is-waydaarsiga ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Gadhle waxaanu is-dul-taagay ahmiyada uu mawduucani Garsoorka u leeyahay, waxaanu rajeeyay in muddada uu socdo tababarku la kala faa’iidaysan doono aqoon iyo waayo-aragnimo sal-balaadhan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali oo furitaanka tabobarka ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin joogtaynta aqoon-is-waydaarsiyada noocan oo kale ah, waxaanu ku macneeyay in cilmigu ku fiican yahay falan-qaynta iyo kala faa’iidaysiga, waxaanu ku dhiiri-galiyay xubnihii kasoo qayb-galay in ay ka faa’iidaystaan xeel-dheerayaasha, masalooyinka ay isleeyihiin waxay u baahan tahay lafa-gur iyo faham dheeraad ah. Sidoo kale Guddoomiye Aadam waxa uu sheegay in tababarkani qayb ka yahay tababaro xidhiidh ah oo dhawrkii sanno ee u danbeeyay lagu xoojinayay Garsoorka, waxaanu yidhi, “Inkasta oo ay muddooyinkii u danbeeyay Garsoorka ku soo biirayeen Garsoorayaal cilmiga Diinta aqoon fiican u leh, haddana waxaanu u aragnay in ay lama huraan tahay in tababarada Shareecadeena Islaamka ku saabsan la kordhiyo”Geesta kale Guddoomiyaha waxa uu tibaaxay xog ururin hore ay Maxkamadda Sare u samaysay in ay ku ogaadeen in tababarada caynkan oo kale ah loo baahan yahay, taasina ay qayb weyn ka qaadatay in ahmiyad gaar ah la siiyo.

blankAqoon-is-waydaarsigan oo socon doona laba cisho ayaa xeel-dheerayaasha duruusta bixinayay iyo Garsoorayaashii soo xaadiray isku is-waydaarsadeen mawduucyo laf-dhabar u ah u dhaba-galka iyo xaqiijinta xadiga qoonta ama nabarka iyo nidaamka loo raacayo, siyaabaha xukunku uga abuurmayo. Waxaanay dhinacyadu si qoto dheer u lafa-gureen masalooyin muhiim u ah Garsooraha, taasi oo si koox-koox ah iyo kali-kali ahba loo faaqiday.

blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories