HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Tabobar Aqoontooda Lagu Kobcinayo U Furay 50 Xubnood...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Tabobar Aqoontooda Lagu Kobcinayo U Furay 50 Xubnood Oo Garsoorka ka tirsan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa tabobar muddo lix maalmod socon doona oo lagu baran-doona u furay 50 xubnood oo ka tirsan bahda Garsoorka Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayeen Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, lataliyayaasha dhanka shareecada Sh, Dr. Ciise Maxamuud Cabdilaahi, Sheekh Maxamed Cali Gadhle, Dayib Muxumed Nuur latliyaha dhanka farsamada, Sharmaake Yuusuf Faarax Isu-duwaha Maxkamadaha Guur-guura iyo saraakiisaha waaxda Tababarka Maxkamadda Sare, waxa uu tabobarka u furay 50 xubnood oo iskugu jiray Garsoorayaal ka kala socday heerarka kala duwan ee Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex, Xeer-ilaaliyaal, Qareeno iyo xubno ka socday Guddida Dacwadaha ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Tababarkan oo qayb ka ah kobcinta aqoonta iyo waayo-aragnimada bahda Garsoorka, ayaa diirada lagu saari doonaa mudadda uu socdo, Hababka Dacwad qaadista, Beeca, Rahanka, Damaanadaha iyo Shuruudahooda, akhlaaqiyaadka iyo hoggaaminta wanaagsan ee Garsoorka.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda ee Maxkamadda Sare Ibraahim Maxamed Cali, ayaa lagu faahfaahiyey muhiimadda uu leeyahay tabobarkan iyo arrimaha lagaga hadli ddono muddada lixda maalmod ah ee uu socdo, waxaana war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Waxa xusid mudan in tababarkani uu ku xidhiidhsan yahay tababaro la xidhiidhay Shareecada Islaamka kuwaasi oo laga fuliyay caasimada iyo gobalada dalkaba.

Ugu horayn waxa madasha tababarka kalmad kooban ka jeediyay Dr Ciise Maxamuud Cabdilaahi, waxaanu xusay in cadaaladdu ay aas-aas u tahay horumarka bulshada qaybeheeda kala duwan. Dr-ka oo kamid ah khuburada tababarka bixinaysa ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada iyo qiimaha ay leedahay in dadka lagu kala saaro cadaaladda. Waxaanu tibaaxay in qof kastaa ka dhaxlo cadaaladda xasilooni. Geesta kale waxa madasha tababarka ka hadlay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, waxaanu is-dul taagay qiimaha tababarka iyo aqoon-is-waydaarsiga, waxaanu hoosta ka xarriiqay in aqoon-is-waydaarsigu yahay is-xasuusin, taasi oo fahan u baahan. Xeer-ilaaliye Guud mudane Cabdiraxmaan Hayaan, ayaa sharaxaad ka bixiyay qodobo laf-dhabar u ah shaqada maalinlaha ah ee Garsoorka sida hababka loo raaco dacwadaha, kuwaasi oo ku jira tababarka.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xusay in tababarkani kamid yahay kuwa hal-bowlaha u ah hawl-maal-meedka Garsoorka, kaasi oo ay Maxkamadda Sare taaba-galisay qabsoomidiisa, waxaanu xusay in khuburada jeedinaya tababarku ay yihiin muwaadiniin waayo-arag ah oo u dhuun daloola ahmiyada iyo doorka Garsoorka, waxaanu sheegay in xeel-dheerayaasha wadaniga ahi ay ka mudan yihiin kuwa shisheeyaha ah oo uu xusay in aanay xog-ogaal u ahayn arrimaha muhiimka innoo ah.
Guddoomiyaha ayaa tibaaxay darsiyada uu xambaarsan yahay tababarku, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwii safarka dheer loo gali jiray waayihii hore, waxaanu xusay in wakhti xaadirkan cilmigu meel kasta ceegaagsan yahay isla markaana aanu cudur daar u noqonayn in qofku jahli kaga sugnaado.

blankGuddoomiye Aadan ayaa sheegay in shaqada Garsoorku tahay shaqada ugu sharafta badan isla jeerkaana tahay shaqada ugu miisaanka culus ee loo baahan yahay in Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaaliyayaashu yeeshaan fiiro dheer, hubsiimo, dedaal iyo aqoon-korodhsi joogto ah. Gunnaanadkii Guddoomiyuhu waxa uu Garsoorayaasha, Xeer-ilaaliyayaasha iyo hawl-wadeenada kale ee Garsoorka ku bogaadiyay shaqada milgaha leh ee ay qaranka u hayaan iyo sida ay markasta u gutaan waajibaadka dumaddooda sudhan.” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories