HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababor u soo xidhay 30 Garsoore oo ka...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababor u soo xidhay 30 Garsoore oo ka Hawl-gala Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Lataliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur iyo Madaxa Tababarada Ayaan Maxamed Ibraahim, ayaa maanta tababar socday seddexdii cisho ee u danbeeyay u soo xidhay 30 Garsoore, oo ka kala tirsan Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Maxkamadda Degmada Hargeysa.

Tababarkan oo ay soo agaasintay Maxkamadda Sare ayaa muddadii uu socday si badhax-tiran, loogu lafa-guray masalooyin laf-dhabar u ah Axkaamta Islaamka iyo nidaamyada ay u jidaysay Diinteena suuban Qoomaha, Nabarada, Dhaawacyada, Xukunnada ka dhasha iyo sida ay u burri karaan. Tababarkan oo qayb ka ah aqoon-is-waydaarsiyada dhaxal-galka ah ee ku qotoma Shareecada ayaa waxa si xeel-dheer u daadihinayay Dr. Xuseen Xasan Cali iyo Sheekh Maxamed Cali Gadhle oo kamid ah Culimada Jamhuuriyadda Somaliland ee aqoonta dheer u leh Shareecada iyo Garsoorka.

Xidhitaankii tababarkan qiimaha badan waxa ka hadlay Dr. Xuseen Xasan Cali (Xuseen Faraa’id) waxaanu Garsoorayaashii aqoon-is-waydaarsiga ka soo qayb galay uga mahad-celiyay sida hufan ee ay muddadii uu socday tababarku diyaarka ugu ahaayeen aqoon-is-waydaarsiga isla markaana ay ula wadaagayeen waydiimo salka ku haya mawduucyadii duruustu la xidhiidhay, waxaanu ku dhiiri-galiyay Garsoorayaasha in aanay marnaba ka daalin barashada Shareecada Islaamka, xilliyada ay haleelka hayaana ay ka dhigtaan degelada aqoonta lagu kaydiyo si ay u korodhsadaan masalooyin cusub.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali oo tababarka soo xidhay, ayaa u mahad-celiyay Cullimadii tababarka bixinayay iyo Garsoorayaashii sida qiimaha leh uga faa’iidaysanayay. Waxaanu xusay ahmiyada ay leedahay in Garsooruhu fursad u helo, wakhtina la qaato culimo ku takhasustay qaybo kamid ah cilmiga Shareecada. Geesta kale waxa uu Guddoomiyuhu xusay in uu mudaysan yahay todobaadyada soo socda tababar loo qabanayo Garsoorayaasha ka hawl-gala Gobolada Galbeedka, waxaanu tibaaxay in dhawaan gobolada Bari ee dalka loogu qabtay tababar 10 cisho socday magaalada Burco.

blankGuddoomiyaha ayaa ujeedada tababaradan ku macneeyay kuwo lagu dhisayo aqoonta iyo khibrada Garsoorayaasha, taasi oo fursad u ah Garsoorayaasha cusub in ay waayo-aragnimo kala baxaan Garsoorayaasha khuburada ah ee tababarka la qaadanaya. Sidoo kale waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in ay dhawaan furi doonaan Maktabadii Garsoorka oo ay ka faa’iidaysan doonaan ardayda daraasaadka ka diyaarinaya Garsoorka iyo guud ahaan hawl-wadeenada ka shaqeeya Hay’adda Garsoorku. Gaba-gabadiina waxa uu sheegay in ay diyaariyeen qorshihii Machadka Garsoorka Qaranka kaasi oo kaalin mug leh ka qaadan doona haqab-tirka Garsoorka ee dhanka aqoonta iyo tababarada, taasi oo laf-dhabar u noqon doonta sare u qaadida aqoonta iyo waayo-aragnimada Garsooraha iyo hawl-wadeennada kale.

Wa bilaahi tawfiiq
Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories