HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo tababar u soo xidhay xubno ka tirsan Bahda...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo tababar u soo xidhay xubno ka tirsan Bahda Garsoorka iyo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda eeJamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta tabobar u socday u soo gebogebeeyey xubno ka tirsan bahda Garsoorka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta maaliyadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa tabobarka waxa ay wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Siciid Yuusuf Cabdi, Taliyaha Qaybta Cashuuraha ee Ciidanka Booliska JSL Cismaan Xaashi Daahir iyo madaxa waaxda tababarada ee Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin, waxa uu  tababar muddo shan maalmood ah u socday u soo xidhay 50 xubnood oo iskugu jira Guddoomiyayaal, Garsoorayaal, ku-xigeenno xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka, saraakiil ka socday Ciidanka Booliska iyo xubno ka tirsan guddida ka garnaqista dacwadaha cashuuraha ee wasaaradda maaliyadda.

Tababarkan ayaa muddadii uu socday si qoto dheer loogu gorfeeyay sida loo xoojin karo hirgalinta xeerarka maaliyadda ee dib-u-habaynta iyo kaabista lagu sameeyay, waxaana muddadii uu socday lagu lafa-guray duruus kala duwan oo la xidhiidha xeerarkaasi iyo axkaamta la xidhiidha ee Shareecadda Islaamka. Xubnaha ka qayb galay tababarka ayaa geestooda is waydaarsaday khibradahooda la xidhiidha hay’adaha ay kala matalayeen, waxaanay kala faa’iideen qodobo door ah oo kaalin mug leh kaga jira habsami u socodka dacwadaha la xidhiidha cashuuraha.

Ugu horayn Taliyaha Qaybta Cashuuraha ee Ciidanka Booliska JSL Cismaan Xaashi Daahir iyo Ku xigeenka Xeer-ilaaiyaha Guud ee Qaranka Siciid Yuusuf Cabdi ayaa dhankooda xusay ahmiyada uu tababarkani u lahaa xubnaha ka soo qayb galay, waxaanay hoosta ka xarriiqeen doorka shariifka ah ee uu ka qaadan doono shaqo maal meedkooda.

Geesta kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa tibaaxay in tababarada ay ku kulmaan khuburadan oo kale ay hoggaamiyaan horumarka qaybihiisa kala duwan, waxaanu tibaaxay in aaraa’da ay soo jeediyeen xubnaha tababarka waddagayayna laga shaqayn doono sidii loo sixi lahaa.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa ka waramay maraaxilkii xeerarkani soo mareen iyo halka ay maanta taagan yihiin, waxaanu khuburadii iyo xubnihii tababarka ka soo qaybgalay ku bogaadiyay sidii qiimaha lahayd ee ay aqoon-is-waydaarsiga uga qayb qaateen. Guddoomiyaha ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay in khuburo ka kala socda hay’adaha dawladdu ay muddo saacado ah shan maalmood lafa-gur ku sameeyaan hirgalinta xeerarka maaliyada, isla markaana talo bixin ka sameeyaan dhinacyada ay ka dareemeen goldaloolooyinka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali ayaa sidoo kale xusay in baryahan danbe awoodda la saarayay tababarada iyo aqoon-is-waydaarsiyada takhasuska ah, kuwaasi oo diirada lagu saarayay hadba cilmiga “maadada” u baahan in laga sal-gaadho. Waxaanu Guddoomiyuhu xubnihii ka soo qayb galay ku booriyay in ay waaxda tababarada u soo gudbiyaan dhinacyada ay u baahanyihiin in takhasusyo dheeraad ah laga sameeyo, si tababaradan oo kale gobolada dalkana looga fuliyo.

blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories