HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababar u soo xidhay shaqaale ka tirsan Maxkamadda...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababar u soo xidhay shaqaale ka tirsan Maxkamadda Sare iyo Maxkamadaha Hoose ee Gobolka Maroodi-jeex

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa maanta tababar usoo xidhay 30 xubnood oo iskugu jira madax-qaybeedyo, kaaliyayaal iyo gaadhsiiyayaal ka tirsan Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Hoose ee Gobolka Maroodijeex, tababarkan oo la xidhiiday bad-baadada degdega ah (firsta aid) ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday Maxkamadda Sare ee JSL.

Tababarka oo ay bixinaysay Akadamiyada SOFO ayaa ujeedadeedu daarnayd sare-u-qaadida wacyiga hawl-wadeennada Maxkamaddaha, ee dhanka gargaarka degdega ah, marka ay la kulmaan qof xaalad halis ah ku jira oo u baahan bad-baado.

Dr. Axmed Xasan Filibiini iyo Drs. Hoodo Axmed oo tababarka daadahaynayay ayaa si qoto dheer hawl-wadeennada Maxkamadaha, ugu faa’iideeyay jaran-jarooyinka la qaadayo marka qofku la kulmo qof u baahan gargaar degdeg ah (first aid) iyo qaybaha kala duwan ee ay u dhacaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Aadam Xaaji Cali oo madasha xidhitaanka tababarka ka hadlay ayaa ugu horayn Akadamiyada SOFO uga mahad-celiyay, doorka shariifka ee ay ka qaateen in xubnaha tababarka soo xaadiray fursad u helaan xirfaddo waarra oo noloshooda oo dhan anfaca.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tibaaxay ahmiyada tababarada noocan ahi bulshada u leeyihiin, waxaanu hawl-wadeennadii tababarka qaatay u hogga-tusaaleeyay sida ay naftooda, ta qoyskooda iyo ta bulshadaba ugu anfici lahaayeen.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa kula dardaarmay xubnaha tababarka qaatay, in ay joogteeyaan sare-u-qaadida xirfadaha muhiimka ah ee bad-baadadu ku jirto, waxaanu ku booriyay in ay bulshada usii gudbiyaan oo uga faa’iideeyaan hadba inta ay gaadhsiin karaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories