HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababar u furay xubno ka tirsan garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababar u furay xubno ka tirsan garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha iyo qareennada Maxkamadaha gobolka Maroodijeex

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta tababar u furay xubno ka tirsan garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha iyo qareennada Maxkamadaha gobolka Maroodi-jeex.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani), guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, madaxa tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin iyo saraakiil ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa Arbacada maanta, tababar socon doona laba cisho, u furay, 35 xubnood iskugu jira garsoorayaal, xeer-ilaaliyayaal iyo qareenno ka tirsan, maxkamadaha gobolka Maroodi-jeex, xafiiska xeer-ilaalinta guud iyo ururka qareenadda ee SOLLA.

blankTababarkan oo ay bixinayeen Dr. Ciise Maxamuud Cabdilaahi iyo Dr. Xuseen Xasan Cali ayaa ujeedadiisu ahayd sidii kor-loogu qaadi lahaa nidaamka gar-qaadista dacwadaha, baadhida cadaymaha iyo ilaalinta dhaqanka suuban ee ay inna farayso diinteena Islaamku, taasi oo sal-dhig u ah hufnaanta iyo gaadhida go’aamo cadaaladeed oo ku qotoma axkaamta Islaamka.

Ugu horayn waxa furitaankii tababarka ka hadlay wasiirka Diinta iyo aw-qaafta Jamhuuriyadda Somaliland sheikh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani), waxaanu tibaaxay in ay ahmiyad weyn leedahay in garsooruhu aqoon durugsan u leeyahay shareecada Islaamka. Waxaanu wasiirku xusay in garsoorka ay tiir dhaxaad u tahay aqoon iyo cadaalad, waxaanu yidhi iasgoo arrimahaa ka hadlaya “Cadaalada ka dhigta qibladii aad u jihaysanayseen, hadduu madaxweyne yahay, hadduu wasiir yahay, hadduu oday dhaqameed yahay iyo hadduu muxtaram yahay qofna haka yeelina wax liddi ku ah cadaaladda, haddaad ka yeeshaan waa in aad ogaataan in idinka uun idinku dalacan tahay, qofka waad raali galisay laakiin adiga ayay kaa go’an tahay oo rasiidhkaaga xaga aakhiro ayuun bay galaysaa”.

Geesta kale guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, ayaa sheegay in garsoorku marka loo eego labada waaxood ee kale ee qaranka, ay yihiin cidda ugu badan ee aqoontooda kordhisa. Sidoo kale waxa uu xusay, in ay biyo-kama-dhibcaan tahay, in dacwadaha loo eego shareecada Islaamka, waxaanu ku tilmaamay in waxbadani ka dhiman yahay dacwada aan loo eegin shareecada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed, oo furay tababarka ayaa xubnihii ka soo qayb galay ku baraarujiyay, in aanay ka daalin cilmi-korodhsiga, waxaanu ugu baaqay in adeega garsoorka ee ay bulshada u hayaan, u qabtaan si daacadnimo, cadaalad, hufnaan iyo All-ka-cabsi ku dheehan yahay. Waxaanu yidhi, “Innagu adeeg bulsho ayaynu haynaa, waa in aynu u qabanaa si daacadnimo ah, oo cadaalad ku salaysan, oo hufnaan ah, oo Alle ka cabsi leh, Haddaad dulmi samayso ama aad cadaalad darro samayso qofka aad u samaysay adduu naftaadii dhaawacay. Dulmigu aduu kugu soo noqonayaa. Qofku haddii uu niyad fiican la yimaado oo uu dadaalo, oo cadaaladu waxay la ahayd haleelo xitaa haddii uu khaldamo ajar buu ku yeelanayaa”

Sidoo kale waxa uu guddoomiye Aadam Xaaji Cali, dardaaran u jeediyay xeer-ilaaliyayaasha iyo garsoorayaasha isagoo ugu baaqay in ay tacab galiyaan dacwadaha, masuuliyadna iska saaraan. Geesta kale waxa uu u soo jeediyay garsoorayaasha in ay ku dhac yeeshaan oo go’aamada hore u soo saaraan si dacwaduhu u degdegaan. Ugu danbayn waxa uu garsoorayaasha iyo hawl-wadeenada kale ee garsoorka faray in ay ilaaliyaan haybada garsoorka haddii ay tahay direyska iyo arrimaha kale ee la hal-maala, si iyaga iyo bulshadu u kala soocnaadaan.

Tababarkan ayaa daba socda qiimeyn lagu sameeyay baahiyaha tababar ee ay u baahan yihiin, hawl-wadeenada waaxda garsoorku.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories