HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababar Isbeddela Cimilada Ah U soo xidhay xubno...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababar Isbeddela Cimilada Ah U soo xidhay xubno ka tirsan Bahda Garsoorka iyo Wasaaradda Deegaanka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa Axadda maanta tababar u soo xidhay 18 xubnood, oo iskugu jira Garsoorayaal, Ku-xigeeno Xeer-ilaaliyayaal guud, Isu-duwayaasha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolada dalka, Saraakiil ka socday Ciidanka Booliska iyo xubno ka tirsan Jaamacadda Hargeysa.

Guddoomiyaha waxa xidhitaanka tababarka ku wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Maxamuud Yuusuf Muuse, Dr Pawl Evangelista oo ah khabiir dhanka daraasaadka ah oo ka tirsan Jaamacadda Colorado iyo Maamulaha hay’adda ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah NRCN Opyene Vincent.

Ugu horayn Xeer-ilaaliye Faysa Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ka warbixisay duruustii muddadii 8-da cisho ahayd ay ku qaateen tababarka iyo ujeedada guud ee ay xambaarsanaayeen. Geesta kale Maamulaha hay’adda ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah (NRCN) Opyene Vincent ayaa hoosta ka xarriiqay in muddadii koobnayd ee tababarku socday lagu lafa-guray halka ay ka soo bilaabanto baadhida dacwadaha duur-joogta, nidaamka dacwadaha loogu oogayo iyo ilaa heerka maxkamadaynta. Dr Pawl Evangelista oo ah khabiir dhanka daraasaadka ah oo ka tirsan Jaamacadda Colorado ayaa xusay in Jaamacadda Colorado ee dalka Maraykanku ay diyaar u tahay xoojinta iskaashiga la xidhiidha ilaalinta deegaanka ee ay la leeyihiin Somaliland.

Maamulaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse ayaa ku booriyay xubnihii tababarka ka faa’iidaystay, in ay aqoonta usii gudbiyaan hay’adihii ay ka kala yimaadeen isla markaana ku dabaqaan shaqadooda maalinlaha ah. Dhanka kale Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa tibaaxday in ay farxad weyn u tahay in dalka gudihiisa tiro intaa le’egi ku qaadato tababarradii loo tagi jiray Yugaandha iyo Itoobiya, wasiiradda ayaa xustay in tababarkani u dhigmo kooras muddo lagu qaato Jaamacadaha.

Gunnaanadkii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa u hoga-tusaaleeyay xubnaha tababarka ka soo qayb-galay, in deegaanku ka sal-balaadhan yahay dhirta iyo xayawaanka, balse uu sal u yahay jiritaanka nolosha Aadamaha. Guddoomiyaha ayaa tibaaxay in aanay nolosha iyo deegaanku kala maarmin isla markaana ay muhiim tahay in dadkeenu sidaa ugu baraarugaan.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in ay diyaar u yihiin sidii ay awalba dacwadaha deegaanka iyo duur-joogta la xidhiidha ugu dedaali jireen haatanna ay sii horumariyaan, oo ay u diyaarinayaan qayb (Chamber) takhasus u leh oo dacwadahaasi qaadda.

Ugu danbayn Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay xubnaha tababarka ka soo qayb-galay in aanay dhayalsan aqoonta qiimaha badan ee ay tababarka ku qaateen, isla markaana ay ku dedaalaan sidii ay u sii gudbin lahaayeen.

blank blank blank

Ibraahin Maxamed Cali

Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories