HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo la Shiray Garsooreyaasha Maxkamadaha Gobolka Maroodijeex

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo la Shiray Garsooreyaasha Maxkamadaha Gobolka Maroodijeex

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed iyo xubno ka tirsan Guddiga caddaaladda, ayaa kulan ballaadhan la qaatay garsooreyaasha Maxkamadaha hoose ee gobolka Maroodijeex.

blankGuddoomiye Aadan Xaaji Cali oo ay wehelinayeen guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan Cabdi iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf, ayaa shir muddo saacado ah socday la qaatay garsooreyaasha, waxaana ujeeddada shirkani ahayd dar-dargelinta hawlaha sharci ee ka socda maxkamadaha hoose ee gobolka Mardoodijeex.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda sare, ayaa lagu sheegay in ujeeddada ugu weyn shiru ahayd sare u qaadida adeega sharci ee ay garsoorayaashu bulshada u hayaan iyo dadajinta dacwadaha si looga dheeraado in dacwadduhu jiitamaan.

Warku waxa uu intaas ku daray in shirka lagu lafa-guray anshaxa suuban ee Diinteenu ina fartay iyo sidii garsooreyaashu ugu dabbaqi lahaayeen masuuliyadda sharci ee ay umadda u hayaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan Cabdi oo ugu horeyn kulanka ka hadlay, ayaa ka warbixiyey geedi-socodka shaqada iyo hufnaanta shaqo ee garsoorayaasha, waxaanay xuseen in ay aad u wanaagsan tahay wada-shaqaynta ka dhexeysa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye ayaa geestiisa guddoomiyaha warbixin guud oo ku qotanta shaqada garsoorayaasha la waddaagay, waxaanu ku dheeraaday kartida iyo dedaalka ay muujiyeen garsoorayaashu maadaama ay yihiin dabaqa-yaashii sharciga, sidoo kalana waxa uu ku booriyay in ay mar walba taxadar ku jiraan oo ay iska ilaaliyaan wixii kalsoonidooda waxyeelaya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa garsoorayaasha uga mahadnaqay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan, waxaanu uga digay in ay ku milmaan waxyaabaha sharaftooda dhaawacaya, maadaama garsooruhu bulshada dhex u yahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanta gobolka Maroodijeex
Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanta gobolka Maroodijeex

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tibaaxay in muddooyinkii u danbeeyay ay Maxkamadda Sare xoogga saartay tababarada la xidhiidha Shareecadda Islaamka, waxaanu xusay in ay sii wada doonaan arrintaasi si looga midha-dhaliyo hiigsiga ah garsoore maadi iyo Diiniba ka dhisan. Guddoomiyaha ayaa tibaaxay in ay ka wada hadleen wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo heli lahaa xeerka Qoysk iyo Rahanta oo baahi wayn loo qabo.

Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Hargeysa
Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Hargeysa

Ugu danbayn, guddoomiyaha ayaa garsoorayaasha ku guubaabiyay in ay xoojiyaan, awoodooda akhriska iyo qoraalka, si ay dhugmo ugu yeeshaan xukunnada ay soo saarayaan.

Gabagabadii waxa warka lagu sheegay in shirkaasi ku dhammaaday jewi wanaagsan isla markaana la isla qaatay in la dardar galiyo adeega uu garsoorku bulshada u hayo, si hufana loo shaqeeyo iyadoo laga duulayo dhammaan akhlaaqiyaadka wanaagsan ee shaqada.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories