HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la yeeshay Garsoorayaasha Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la yeeshay Garsoorayaasha Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan Cabdi iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf ayaa shir balaadhan la yeeshay Garsoorayaasha Maxkamadaha Hoose ee Gobolka Maroodi-jeex.

Ugu horayn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan Cabdi iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf ayaa si kooban ula dardaarmay Garsooyaasha kuna dhiiri galiyay in ay sii wadaan shaqo wanaaga isla markaana cadaalada ku taagnaadaan.

Geesta kale Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye ayaa isna garsooyaasha kula dardaarmay in ay ilaaliyaan oo ay raacaan Xeerarka dalka u yaala. Isla markaana ku dhaganaadaan habraacyada ay jidaynayaan xeerarku hadii ay dacwaduhu yihiin Madani, Fulin iyo Ciqaaba.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, oo shirka soo xidhay ayaa ugu horayn Garsoorayaasha uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay hayaan, waxaanu tibaaxay sida ay lama-huraanka u tahay in Garsooruhu diirada saaro in maalinwalba shaqo la taaban karo ay qabtaan si ay u socodsiiyaan shaqada hortaala iyaga oo marwalba ku salaynaya xeerarka dalka u yaala.

Guddoomiyaha ayaa ku booriyay Garsoorayaasha in ay awooda iskugu geeyaan sidii dacwaduhu muddo kooban ugu dhammaan lahaayeen iyadoo laga fogaanayo dhammaan asbaabaha suurtagalinaya dib-u-dhac ku yimaada. Geesta kale waxa uu Guddoomiyuhu tibaaxay ahmiyada ay leedahay in Garsooruhu direyska qaato isla markaana ka fogaado wax kasta oo haybadda Garsoorka hoos u dhigi kara.

blankUgu danbayn waxa uu Guddoomiyuhu ku dhiiri-galiayay in ay daalacdaan xeerarka markasta oo ay firaaqo helaan, fiiro dheerna u yeeshaan micnaha iyo nuxurka ay xambaarsanyihiin, waxaanu u hoga-tusaaleeyay in joogteynta barashada cilmigu tusaale u tahay horumarka qofka iyo bulshada uu la noolyahayba. Gunaanadkii waxa uu Guddoomiyuhu Garsoorayaasha ku adkeeyay in ay samaystaan buuggaagta xusuus-reebka kuwaasi oo ku tilmaamay, in ay u sahlayaan in ay xasuusnaadaan dhammaan dacwadaha ay gacanta ku hayaan si ay uga fogaadaan caqabad dhanka wakhtiga ah oo sababi karta dib-u-dhac ku yimaada dacwadda.

Gebagebadii Gudoomiyuhu waxa uu Ilaahay uga baryay in uu shaqada culus ee Garsoorka u fududeeyo, kuna garab-galo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories