HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kulan la qaatay 31 Ardaydii Barnaamijka Shaqo-qaran oo...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kulan la qaatay 31 Ardaydii Barnaamijka Shaqo-qaran oo Maxkamadaha dalka ka hawl-galaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta xarunta maxkamadda sare ku qaabilay dhallinyaradii soo dhamaysatay barnaamijka shaqo qaran, qaybtii dooratay in ay ka hawl-galaan maxkamadaha dalka.

blankGuddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali oo ay wehelinayeen guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadam Haybe, Agaasimaha guud ee shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cisman (Mu’adinka) iyo masuuliyiin ka tirsan maxkamadda sare ayaa soo dhaweeyay dhallinyaradii soo dhamaysatay, barnaamijka shaqo qaran.

Dhalliyaradaasi oo ay tiradoodu dhamayd 31 qof oo ka kala yimid lixda gobol ee waaweyn, ayaa laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 09/02/2021 si rasmi ah uga hawl-gali doona maxkamadaha kala duwan ee dalka jamhuuriyadda Somaliland.

blankUgu horayn waxa madasha ka hadlay agaasimaha guud ee barnaamijka shaqo qaran, Maxamed Xuseen Cismaan, waxaanu xusay in dhallinyaradu aanay seegin ballan-qaadkii xukuumadda, ee ahaa in la hawl-galiyo, waxaanu da’yarta u soo jeediyay in ay ka soo baxaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, geesta kale guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe ayaa soo dhaweeyay dhallinyarada dooratay in ay ka mid noqdaan hawl-wadeenada garsoorka, waxaanu ku booriyay in ay kaalin muuqata ka qaataan shaqada hay’adda garsoorka.

Sidoo kale qaar ka mid ah dhallinyaradii shaqo-qaran ayaa dareenkooda cabiray, waxaanay xuseen in ay ku faraxsan yihiin in ay maanta shaqada si toos ah u bilaabayaan.

blankGabagabadii guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dhallinyarada soo dhamaysatay barnaamijka shaqo-qaran ee ka hawl-galaya maxkamadaha dalka,waxaanu bogaadiyay masuuliyiintii hir-galisay barnaamijkan oo uu ugu horeeyo madaxeynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi, sidoo kale waxa uu dhallinyarada u hoga-tusaaleeyay in ay tahay wax fiican in qofku kartidiisa iyo aqoontiisa wax ku helo.

“Mustaqbalka waxaan soo jeedinayaa in dadka danbe ee la qaadanayo loo sameeyo sanduuq, loogu abuuro shaqo. Dabadeedna dadka bartay dhaqaalaha, caafimaadka, tiknoolajiyada iyo ganacsiga ay iyagu shaqo u sii abuuraan, si ay iyagu wax usoo kordhiyaan oo muwaadiniinta kale ee Somaliland shaqo ugu abuuraan, oo layidhaa barnaamijka shaqo qaran, shaqo uun may raadsane iyagii baa shaqo abuuray,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories