HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kulan-hawleed u furay 50 xubnood oo lagu tababarayo...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kulan-hawleed u furay 50 xubnood oo lagu tababarayo hirgalinta xeerarka Maaliyada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa maanta tababar u furay Guddoomiyayaal, Garsoorayaal, Ku-xigeenada xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Saraakiil ka socday Ciidanka Booliska, Qareenno iyo xubno ka tirsan guddida ka garnaqista dacwadaha cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda.

Tababarkan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa ujeedadiisu daaran tahay xoojinta hirgalinta xeerarka maaliyada, waxaana bixin doona khuburo aqoon durugsan u leh xeerarka maaliyada iyo shareecadda Islaamka. Sidoo kale xubnaha tababarka ka soo qayb-galay ayaa dhexdoodu is-waydaarsan doona aaraa’ iyo aqoon-is-waydaarsi maadaama ay ka kala socdaan hay’addaha kala duwan ee Qaranka.

Ugu horayn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa sheegay in tababarkani qayb ka yahay wada-shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha dawladda maadaama Qaranku ka kooban yahay xubin kali ah oo wada shaqaysa. Dhanka kale Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa hoosta ka xarriiqay in horumar baaxad leh laga sameeyay dhanka dacwadaha cashuuraha, waxaanu xusay in berigii hore aanay dad badani fahamsanayn nidaamka cashuur qaadista, taasi oo sababi jirtay in dacwado ka dhan ah cashuuruhu soo gaadhaan Maxkamadaha, hase yeeshee haatan la casriyeeyay oo la soo kordhiyay guddida ka garnaqista dacwadaha cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda oo dadku halkaasi ka soo bilaabaan, tababarkanina qayb ka yahay sidii loo mideyn lahaa guddidaasi iyo Maxkamadaha awoodda u leh.

blankUgu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo tababarka furay ayaa is-dul-taagay ahmiyadda tababrkani u leeyahay ka soo qayb-galayaasha, waxaanu sheegay in Waaxda Garsoorku marka horeba ay ku shaqayn jirtay xeerarkani, hase yeeshee hadda ay ka faa’iidaysan doonaan is-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerarka, isla markaana ay si faah-faahsan u guddo gali doonaan muddada uu socdo, sidoo kalana ay is-waydaarsan doonaan waayo-aragnimadooda khuburada iyo xubnaha tababarka qaadanaya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa xusay in cashuurtu ay udub-dhexaad u tahay dawladnimada iyo socodsiinta hawlaha shaqo, waxaanu hoosta ka xarriiqay in Waaxda Garsoorku ay laf-dhabar u tahay fullinta cashuuraha, isla markaana meel adag ka taagan tahay in ay baaqato iyo in sifo kalaba ku leexato, waxaanu tibaaxay in Garsoorku kamid yahay hay’adaha ugu wanaagsan dakhli soo xereynta.

Guddoomiyaha ayaa xubnaha tababarka qaadanaya kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan tababarka, isla markaana is waydaarsadaan khibradahooda aqooneed.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories