HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Xafladda Dufcaddii 20aad oo Ka...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Xafladda Dufcaddii 20aad oo Ka Qalin-jebiyey Jaamacadda Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa arbacada maanta ka qayb galay, munaasibad loogu fooladaynayay dufcadda 20-aad ee ka qalin-qorata Jaamacadda Hargeysa, kuwaasi oo tiradoodu dhammayd 1,360 arday isla markaana ay kamid ahaayeen Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyayaal iyo hawl-wadeeno kale oo uu kamid ahaa Agaasimaha Waaxda Maxkamadaha Guurguura ee Maxkamadda Sare oo ugu sareeyay culuumta heerka labaad ee sharuucda ciqaabta iyo cadaaladda (Criminal Law and Criminal Justice), kuwaasi oo Garsoorku deeq-waxbarasho ugu diray Jaamacadda Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn u hambalyeeyay ardayda sannadkan ka qalin-qoratay Jaamacadda Hargeysa, waxaanu xusay in ardaydii hore uga baxday Jaamacadda Hargeysa ay hoggaaminayaan qaybaha kala duwan ee Qaranka, haddii ay tahay hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka ahba.

Guddoomiyaha ayaa geesta kale bogaadiyay barayaasha iyo hoggaanka kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda oo uu ku tilmaamay in ay hormuud u yihiin horumarka baaxada leh ee Jaamacadda ka tisqaaday, waxaanu xusay in Jaamacadda Hargeysa iyo jaamacadaha kale ee dalku ay door shariif ah kaga jiraan horumarka dhanka cilmiga ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa ardayda u hogga-tusaaleeyay in 80% hawl-wadeenada Garsoorku ay yihiin ardaydii jaamacadaha waddaniga ah ka soo baxay, waxaanu xusay in bahda Garsoorka ee ka hawl-gasha gobolada dalkuna ay ka baxeen jaamacadaha ku yaala gobolada, haddii ay tahay Jaamacadda Camuud iyo kuwa kale ee ku yaala gobolada kaleba, kuwaasi oo heshiis wada-shaqayneed la leh Bahda Garsoorka. Waxaanu ardayda ku dhiirayay in ay maskaxda ku hayaan in dalku u baahan yahay cudud shaqaale oo dhiig cusub u noqota hayaanka horumar ee dalka ka socda.

Guddoomiyaha ayaa is-dul-taagay in shaqadu aanay kaliya ahayn wax la isa-siiyo ee ay tahay hal-abuur loo baahanyahay in qofku la yimaado, waxaanu u hogga-tusaaleeyay sida dalkeena ay ugu soo shaqo tagaan ajaanib fursado ka raadsanaya, kuwaasi oo kasbada shaqooyin ay lacag badan ka sameeyaan, waxaanu xusay in muwaadinku ahmiyada koowaad leeyahay, isla markaana ay muhiim tahay in ardaydda iyo xirfadlayaasha kale ee waddaniga ahiba ku dhiiradaan in ay ka shaqaysiiyaan tamartooda hal-abuur, hay’adaha Qarankuna ay markasta garab taaganyihiin fursadsiinta ardayda tamarta cusub xambaarsan.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa bogaadiyay tiradda haweenka ee ku soo badanaysa bahda waxbarashada, waxaanu ku timaamay in ay door shariif ah kaga jiraan dheeli-tirka bulshada iyo horumarka dalkeena.

Gunnaanadkii Guddoomiyaha ayaa xusay in ay qaadan doonaan labada arday ee ugu sareeya kulliyada sharciga, si ay ugu dhiirigaliyaan dedaalkii iyo tacabkii ay soo hureen.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories