HomeGuddoomiyaha Maxkamadda sare oo ka hadlay Muhiimadda Maxkamadaha guur-guura

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo ka hadlay Muhiimadda Maxkamadaha guur-guura

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha  Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa ka hadlay muhiimadda ay dalka iyo dadka u leeyihiin Maxkamdaha guur-guuraa, isla markaana waxa uu sheegay inay tayeyntooda Somaliland baahi wayn u qabto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay ka hadlayey madal lagu soo gebagabeeyey shir hawleed dib loogu eegayey horumarinta adeegga Maxkamadaha wareega si loo tayeeyo.

Shir hawleedkaas oo muddo shan maalmood ah ka socday Hargeysa, waxa ka qeyb galay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka, Garsoorayaasha iyo Kaaliyayaasha ka hawlgala Maxkamadaha gobollada dalka iyo waliba Xeer-ilaalinta Qaranka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Md. Yuusuf Ismaaciil Cali hadal uu ka jeediyay xidhitaankii shirkaas waxa uu sheegay inay waajib tahay in la tayeeyo adeegga Maxkamadaha wareega ama guur-guura oo faa’iido u leh shacbiga. Guddooomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland waxa uu amaan u jeediyey Madaxweynaha iyo Wasiirka caddaaladda oo uu sheegay inay ka go’an tahay niyad ahaan iyo siyaasad ahaanba inuu garsoorku u madax bannaanaado waajibaadkiisa si ay u fusho waajibaadka uu dastuurku u damaanad qaaday.

Md Yuusuf Ismaaciil waxa uu intaa ku daray in natiijada ka soo baxday shir hawleedkan ay balan-qaadayaan inay si buuxda ugu shaqeeyaan.

Waxa sidoo kale shirkaasi ka hadlay Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Md. Xasan Axmed Aadan, ayaa dhinaciisa ka sheegay inay dadaal xoogan u geli doonaan xafiis ahaan in garsoorka Somaliland noqdo mid caddaalad ku dhisan, isla markaana ay tayeyn doonaan aqoonta baahida garsoorka.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories