HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka hadlay Caqabadaha Kiisaska Madaniga ah, shacabkana Baaq...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka hadlay Caqabadaha Kiisaska Madaniga ah, shacabkana Baaq u jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ugu baaqay shacabka in kiisaska muddada dheer soo jiitamayey ee madaniga ah ay sulux iyo is-afgarad ku dhammaystaan si maxkamadaha iyo garsoorka culaysku uga yaraado, meeshana uga baxaan dilalka iyo iska horimaadyada ka dhasha xukunnada fulinta gaadhay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kula hadlay warbaahinta xafiiskiisa shalay, ayaa sheegay in muddada kooban ee uu xilka hayey sulux iyo is-afgarad ku dhammeeyeen kiisas badan oo madani ah, dhinacyadii is khilaafsanaana ku qanceen.

Garsoore Aadan Xaaji Cali, waxa uu caddeeyey inay jiraan kiisas jiilashii bilaabay geeriyoodeen, dadkii ka sii dhaxlayna ay sariir-yaal yihiin, haddana gacanta ku hayaan dad aan xogba hayn oo aan fahamsanayn meel wax marayaan.

Aadan Xaaji CAli“Waxaan saxaafadda ugu yeedhay in aan sheego inay muuqato in dadkeennii sharcigii u fahmeen, in inta la is dacweeyo 20 sanno, 15 sanno, 16 sanno, 18 sanno dacwaddii socoto oo dabeedna dhinacyadii is-dacwaynayay ba isku dul baaba’aan, hantidii la isku dacwaynayayna baaba’do, waliba gaar ahaan dacwadaha madaniga ah, waayo madanigu wuu ka fudud yahay waa wax laga tanaasuli karo. Waa wax dhinacyadu hadal ku xallin karaan, markaa sidaas aannu kiisaskaas u xallinnay in lagu fakaro.

Waxa yaab leh oo aan idiin sheegayaa dacwado Maxakamadda Sare ku jira amma maxakamadaha kale ku jira ayaa waxaad arkaysaa jiilkii is haystay ama dadkii ee dacwaddaa bilaabay inay geeriyoodeen, jiilkii labaad ee amma ay dhaleen ama ehelkooda ahaa ee dacwadda sii amba qaaday ay sariir-yaal yihiin ama dhinteen oo hadda qolo saddexaad oo wax socday iyo arrinkani meel uu marayayba aan garanayna ay wadaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Guddoomiye Aadan waxa uu sheegay in waajibaadka maxkamadaha saaran yahay in ay sharciga ku tagnadaan, xaqana sugaan, caddaaladdana racaan.

Geesta kale, Maxkamadda Sare ayaa guddi u saartay kiiskii ugu horreeyey ee lagu xalliyo sulux, kaasoo in muddo 3 sanno ah ka socday Maxkamadda, iyagoo dhinacyada isku hayey ku qancay go’aamada guddida dhexdhexaadintu soo saartay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Adan Xaaji Cali, ayaa tilmaamay in guddidan xal ka soo saartay kiiskaas, kadibna dhinacyadii ku qanceen, waxaannu u mahad-celiyey dhinacyada muranka sharci ka dhaxeeyey ee suluxa isku af gartay.

“Kiiskan wuxuu ku soo afjarmay oggolaansho ay labada dhinac oggolaadeen in dad odayaal ah oo labada dhinac ku kalsoon yihiin ay xalkeeda galaan, maxkamadduna rag odayaal ah bay u dirtay hawshaas, dibadaannay ku soo dhammeeyeen, heshiiskiina maxkamadda ayey keeneen oo kiiskii waa la oodaya maanta.”

Waxa kaloo uu xusay in kiisas 7 ah oo sidan oo kale ah ay dhinacyadu ogolaadeen in arrinkooda dibadda ku soo xallistaan, maxkamadduna guddi ay ku kalsoon yihiin u saartay.

Guddoomiyaha Shirkadda Daabacaadda ee Sagaljet Mr. Cabdi Yuusuf Aar oo ka mid ah guddida kiiskan dhexdhexaadinaysay, ayaa sheegay in labada dhinac ee guriga isku haystay, muddada dheerna kiiskoodu maxkamadda ku jiray ay ka aqbaleen dhex dhexaadintii, lana soo afjaray khilaafkoodii.

Sidoo kale, Mr. Aar waxa uu uga mahadceliyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare fikirka cusub ee lagu xalinayo kiisaska socday muddada dheer, maxkamadaha culayska dacwadaha lagaga fududaynayo, waxaannu bulshada ugu baaqay in ay garab istagaan Maxkamadda Sare, kalana shaqeeyaan sugida caddaaladda.

Xildhibaan Axmed-yasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka tirsan Golaha Wakiillada, xubinna ka ah guddida khilaafka dhammeeyey, ayaa ka warramay faa’iidada iyo ajarka laga helayo in wanaag lagu dhexdhexaadiyo dhinacyada is haya ee khilaafku ka dhaxeeyo, isagoo tilmaamay in suluxu keeno in qofku xaq uu leeyahay uu ka tanaasulo, ajar badana xagga Ilaahay kaga helo.

Dhinacyada isku hayey guriga ee guddiga loo saaray oo kala ah Dr. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Axmed iyo Cali Bootaan oo warbaahinta la hadlay, ayaa soo dhaweeyey nidaamka lagu dhexdhexaadiyey, iyagoo shacabkana ugu baaqay inay wixii khilaafaad ah ee ay xalin karaan ay dibada ku xashadaan si garsoorka culaysku uga yaraado.

Intaa kadib, waxa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo guddida loo saaray xallinta kiiskan ay tegeen guriga la isku hayey oo ku yaal ka soo horjeedka hudheelka Safaari ee magaalada Hargeysa, iyadoo furaha lagu wareejiyey dhinaca Cali Bootaan, halka qadar lacag ah la siiyey dhinacii kale Dr. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Axmed.

@jamhuuriya

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories