HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Dhaariyey Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka iyo Dar-daaran...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Dhaariyey Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka iyo Dar-daaran Madaxweyne Siilaanyo u jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Dr Yuusuf Cali, ayaa maanta Madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey Todobada Xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Cusub oo todobaadkii hore ay ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland.

DSC_0048Kulan maanta ku qabsoomay qasriga madaxtooyada oo ay goob-joog ka ahaayeen madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka mid ah golihiisa Wasiirrada, ayaa lagu dhaariyey todoba xubnood ee guddiga doorashooyinka oo magacyadoodu kala yihiin Maxamed Jaamac Maxamed, Siciid Cali Muuse, Maxamuud Xasan Cali, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Cabdifataax Ibraahim Xasan, Cabdiraxmaan Cismaan Aadan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Prof Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa mid-mid u dhaariyey xubnaha Guddiga Cusub ee Doorashooyinka, kuwaas oo dhammaantood gacan loo saaray Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, kuna dhaartay inay si daacadnimo, caddaalad iyo dhex-dhexaadnimo ah ay u gudanayaan Waajibaadka ay Qaranka ugu xil-saaran yihiin.

DSC_0082Markii ay dhaarinta Guddigu dhammaatay, waxa kulanka ka hadlay Madaxweynaha Somaliland ugu duceeyey in Eebbe u fududeeyo masuuliyadda ay xilkeeda qaadeen, waxaanu u soo jeediyey inay kalsooni ka haystaan shacabka iyo Qarankaba, sidaas awgeedna uu rejaynayo in xil-gudashadoodu horumar iyo caddaalad u horseeddo dalka.

“Farxad weynbay maanta ii tahay inaanu halkan ku kulanno komishanka doorashooyinka oo maanta hortayda lagu dhaariyey, Illaahay waxaan ka baryeyayaa hawshiinnu inay noqoto mid lagu wada badhaadho oo dalka iyo dadkaba u horseedda horumar iyo caddaalad. Dal dimuqraaddi ah baynu nahay, dimuqraadiyad baynu qaadannay, doorashooyin iyo hawlo fara-badan baynu galaynaa, markaa ahmiyadda ay guddigaasi leedahay waa mid aad iyo aad u weyn, waa mid aad umadda iyo qarankaba kalsooni uga baahan tihiin, kalsoonidiina waad haysataan, Illaahay ha idinla qabto oo uu innagu guuleeyo dhammaanteen,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Xubnaha Guddiga Cusub ee Doorashooyinka maanta loo dhaariyey xil-gudashadooda, ayaa noqonaya Guddiga Afraad ee loo magacaabo Komishanka Doorashooyinka tan iyo wakhtigii ay Somaliland qaadatay nidaamka Xisbiyada badan sannadkii 2003-dkii, waxaanu muddo-xileedkooda shan sanno ah ka bilaabmay maanta oo xilka loo dhaariyey, iyaga oo xilka kala wareegi doona guddigii hore doorashooyinka oo muddo-xileedkoodu ku ekaa 29-kii bishii October ee sannadkan.

DAAWO SAWIRRADA

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories