HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Digniin u diray Shaqaalaha Garsoorka Dalka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Digniin u diray Shaqaalaha Garsoorka Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa Shaqaalaha kala duwan ee Hay’adaha Garsoorka uga digay inay ku dhex-milmaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee doorashooyinka Somaliland iyo Xisbiyada Siyaasadda.

Wareegto uu Khamiistii maanta soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayuu ku sheegay in xeerar waajibinayaan inaan Shaqaalaha Garsoorku qayb ka noqon ololaha iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee doorashooyinka madaxtooyada, golayaasha deegaanka iyo wakiillada ee Somaliland oo dhan.

blankWareegtada uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Wareegtada, ayaa u dhignayd sidatan:-

“Wareegto uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/02/2021 soo saaray guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa uga digay shaqaalaha maxkamadda sare in ay ka qayb qaataan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee doorashooyinka dalka.

Iyadoo ay ka reebayaan sharciga iyo xeerka nidaamka garsoorku tartanka dhaq-dhaqaaqa ololaha doorashada ee deegaanka, baarlamaanka iyo madaxtooyada.

16-kii bishan ayaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalku wareegto ku socodsiisay, dhammaan guddoomiyayaasha maxkamadaha Racfaanada iyo ku-xigeenada xeer-ilaaliyaha guud ee gobolada dalka si loogu wargaliyo reebanaanta ka qayb-qaadashada dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee doorashooyinka.

Waxaana lala socodsiiyay in cidda garsoorka ka mid ah, ee danaynaysa in ay ka qayb noqoto goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda ay shaqada dawladda iska casisho 90 maalmood ka hor muddada doorashada, halka xubinta u hoggaansami wayda amarkaasina laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.” Sidaa ayaa lagu yidhi wareegtada Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo lagu baahiyey Bogga Facebook-ga ee Maxkamadda Sare.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories