HomeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL oo Soo Bandhiggay Dirayska ay ku Hawlgali...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL oo Soo Bandhiggay Dirayska ay ku Hawlgali Doonaan Bahda Garsoorku

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa(SLpost)Guddoomiyaha maxkamadda sare iyo ta dastuuriga ah islamarkaana ah guddoomiyaha gudida cadaaladda Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa maanta kullan uu la yeeshay guddoomiyayaasha maxkamaddaha Maroodijeex, qareenada iyo xeerilaaliyayaasha ayaa soo bandhigay dirays kala duwan oo ay leeyihiin bahda garsoorka si ay uga duwanadaan dadka kale.

Dress 1Kullankan oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee maxkamadda sare ayaa guddoomiyuhu sharaxay hirgalinta dirayska bahda garsoorka xiliyada ay shaqada ku jiraan si ay ula jaanqaadaan nidaamka caalamka.

Prof Aadan Xaaji Cali oo arrinkaa ka hadlaya ayaa waxa hadaladiisaa ka mid ahaa “Waxa aynnu maanta iskugu nimid in la soo bandhigo dirayskii kala duwanaa ee bahda garsoorka oo maanta laga bilaabo la hirgalinayey. Bahda cadaaladu waa bah isku mid ah, ujeedo kaliyaata ayey leeyihiin oo ah in ummada cadaalad la gaadhsiiyo. Si haddaba haybadna u yeeshaan islamarkaana ugu soocmaan dadka kale ee ay u adeegayaan, waxa maanta laga bilaabo la bilaabayaa oo la soo dajiyey dharkii ay qaadan lahaayeen marka ay shaqada gudanayaan. Marka ay noloshooda gaar u wataan dharkooda caadiga ah ee muwaadiniinta kale ayey la mid yihiin, laakiin marka ay shaqada ku jiraan waxa ay xidhanayaan dhar shaqadoodiina tusaaya islamarkaan tusaaya waaxaha kala duwan ee garsoorka islamarkaana qayb waliba gaar usii leedahay.

dress 5Waxaan doonayaa in aan sheego ujeedada dirayska, marka koowaad waa standard dunida ah. dunidaa ayeynu la mid nahay mid islaam iyo mid gaal, waxaana ay ka mid tahay nidaam wanaagga. Marka aynnu eegno dhinaca kalena faa’iidooyin badan bay leedahay oo waxa ka mid ah haybad qofka kaga soocnaado dadka kale, ta kale shaqo wanaagna way keenaysaa. Haddaynu ka eegno guud ahaana waa curfi wanaagsan oo deegaankii laga shaqaynayeyna waxa ay ka dhigaysaa deegaan wanaagsan laga hawlgali karo oo qiimihiisa leh.

Prof Aadan waxa uu sheegay in dirayskaasi maanta laga bilaabo uu hirgalay dhammaan inta uu ku waajibayna la siiyey muddo 2 billood ah oo ay ugu diyaargaroobayaan samaysashada dirayskan “Maanta laga bilaabo dalka oo dhan bay laga hirgalinayaa, wakhti bay qaadanaysaa oo la siin doonaa in lagu diyaargaroobo oo qof walba ku diyaar garoobo, wakhti 2 bilood ah baa lagu diyaargaroobayaa laakiin degdeg baa loo bilaabayaa oo annaguba waannagaa maanta soo qaadannay”

Dress 2 dress 3

Guddoomiyaha maxkamadda sare waxa uu si faahfaahsan u qeexay afarta waaxood iyo sida ay u kala labisanayaan dirays ahaan, waxaana uu yidhi “Garsoorayaashu waxa ay xidhanayaan shullug madaw, oo leh callanka JSL waxa kale oo uu leeyahay astaanta garsoorka iyo liid dahabi ah. Xeerilaaliyayaashu waxa ay xidhanayaan Shullug madaw oo leh callanka JSL iyo Liid cas oo dheer oo uu ilaa gacmaha ku leeyahay iyo astaanka garsoorka. Kaaliyayaashu waxa ay xidhanayaan callan buluug ah oo leh callanka JSL iyo astaanka garsoorka oo wata surwaal madaw, habluhuna dirayska uun bay kala simman yihiin. Gaadhsiiyayaashu waxa ay xidhanayaan shaadh cas oo leh callanka JSL, astaanka Garsoorka iyo surwaal madaw. Waxa kale oo iyaguna jira qareenada waxa ay xidhanayaan suudh madaw, shaadh cad iyo tay madaw”

Xeer ilaaliyaha guud Xasan oo halkaa ka hadlay ayaa u mahadnaqay guddoomiyaha maxkamadda sare waxa  aannu sheegay in dirayskani uu faa’iidooyin badan leeyahay islamarkaana ay tahay haybad waaxda garsoorku leedahay, isaga oo xusay in ay qayb ka tahay dib u habaynta ku socota dhammaan bahda garsoorka iyo cadaaladda JSL.

Somalilandpost.net, Hargeysa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories