HomeGuddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Oo Sheegay Eexda Iyo Musuqa Inay Dagaal...

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Oo Sheegay Eexda Iyo Musuqa Inay Dagaal La Galayaan

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargaysa(SLpost)-Guddoomiyaha maxakamadda sare ee Somaliland Aadan xaaji Cali, ayaa bulshada ugu bushaareeyay isbedel hor leh oo lagu samaynayo hanaanka garsoorka Somaliland.

Waxa uu sheegay in meesha laga saari doono dadka bixiya laaluushka iyo kuwa ka tirsan garsoorka ee qaata laaluushka “Markaan ka hadlo guud ahaan garsoorka, anigoo ku hadlaya magacii maxakamadda sare iyo guddida caddaaladda, waxaa naga go’an oo aanu imika bilawnay oo ku taagnaanaynaa in lala dagaalamo dhammaan caadooyinka xun-xun, hadday tahay Eexda, Qabyaaladda iyo musuqmaasuqa. Meeshan adeeg baa loo yimaadaa, qofku caddaaladda ayuu ka shaqaynayaa, meeshii caddaaladda lagaga shaqaynayay waa inay arrintaasi ka muuqato,”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay madal tababar loogu soo xidhayay xubno ka mid ah bahda garsoorka ayaa sheegay in la samaynayo guddi baadhis iyo dabagal ku samaysa bahda bulshada u qaabilsan caddaaladda oo gobol walba ka hawl gali doonta   “Waxa jira guddida daba galka iyo baadhida waxaanay hoos yimadaan guddida cadaalada waana la xoojinayaa guddidaas,  waxaana la gaadhsiinayaa ilaa heer gobol. anaga ayaa gobol walba gaadhsiin doona, waxaana loogu tala galay in qofku sharcigu ilaaliyo oo qofka sharciga dadka ku ilaalinayaa uu isaguna sharciga ilaaliyo, haddii uu isagu sharciga ku tunto dadka kale sidee ayuu sharciga ugu qabanayaa?  waana wax la yaab leh aniguna sharciga ayaan ku tumanayaa dadkana sharciga ayaan hor istaajinayaa ismana  qabanayso , ama waa  inaad adiguna sharciga hor istaagto ama waa inaad iskaga tagto laakiin anigu waxaan doono ayaan samaynayaa talaabada aan doonana waan qaadayaa cidina  ima xisaabinayso dadkana waa lay hor keenayaa iyaga oo katiinadaysan iyaga oo ii cabanaya markaa sharci meeshaa kama shaqaynayo ee xoog xoog ayaa ka shaqaynaya.”

Waxa uu sheegay Aadan inay dib u soo celin doonaan kalsoonidii iyo karaamadii garsoorka  “Waxa naga go,an inta awoodayada ah iyada oo ay jiraan caqabado badan, dhaqanka dadka ayaana ugu horeeya, waxa weeyaan haddii ay dadkii donayaan inay iyagu laaluush bixiyaan ka kalana iyaga ayaa laaluushka baraya waanan la dagaalamaynaa, maalin dhaw waxyaalaha aanu hir gelin doono si ay sharaftii iyo karaamadii dib u soo kacdo waxaanu iclaaminaynaa dirayskii ay sadexda qolo lahaayeen, xeer ilaalinta, garsoorayaasha iyo looyarada kuwaas  oo  maxkamada dirays ku iman doona waana la dhamaynayaa dhawaan.”

Isagoo ka hadlaya xaaladda wakhtigan ee garsoorka waxa uu yidhi  “Waxa kale oo aanu dhawaan shaacin doonaa inaan sharcigu qaban garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha ee bulshadana uu qabto oo bulshada laaluushka bixinaysa iyaga laftooda talaabo laga qaado, imika maxkamadaheenu saylad ayey noqdeen, Saylad loo shaqo tago oo dilaaliintu yimaadaan, dilaaliintaas oo dhana waa la xidh xidhayaa.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories