HomeGuddoomiyaha Kulmiye oo War Farxad-geliyey Madaxweyne Siilaanyo caawa kaga dhawaaqay kulan ku...

Guddoomiyaha Kulmiye oo War Farxad-geliyey Madaxweyne Siilaanyo caawa kaga dhawaaqay kulan ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo uga tanaasulay murashaxnimada madaxtinimada Xisbiga Kulmiye, ka dib markii caawa kulan laba geesood ahi ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyada.

muuse-iyo-siilaanyoKulanka dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada caawa, ayaa la sheegay inay inay ka soo shaqeeyeen xubno Ganacsato waaweyn ah oo ka soo jeeda beesha Guddoomiye Muuse Biixi.

Ilo-wareedyo u dhuun-daloola kulan labada dhinac, ayaa Somalilandpost.net u xaqiijiyey in kulanka Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha qeyb ka ahayd Go’aamadii Golaha Guurtidu ka soo saareen khilaafkii KULMIYE.

Warku waxa uu intaas ku daray in Guddoomiyaha KULMIYE uu madaxweynaha ku war-geliyay inuu ka tanaasulay murashaxnimadii Madaxtinimadda ee uu hore u iclaamiyay inuu kula tartami doono xisbiga KULMIYE u matali doona doorashada sannadka dambe lagu wado inay dalka ka qabsoonto.

Guddoomiyaha KULMIYE ayaa la sheegay inuu kulankaasi kaga dhawaaqay inuu taageeradiisa la garab taagan yahay madaxweynaha oo uu ka shaqeyn doono sidii xisbigoodu doorashadda madaxtinimadda mar kale ugu guulaysan lahaa.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay inuu badheedhaha Muuse Biixi ka dib uga mahad celiyay go’aankiisa isla markaana uu ku ammaanay guulihii xisbigu gaadhay muddadii afarta sanadood ahayd ee Muuse Biixi Hoggaaminayay xisbul-xaakimka KULMIYE.

Waxa la sheegay in Guddoomiyaha KULMIYE Sabtida berri uu balan-qaaday inuu warbaahinta u faahfaahin doono sababaha uu uga tanaasulay damaciisii la xidhiidhay inuu u tartamo murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaas.

Kulankaas waxa la sheegay inay ku wehelinayeen Guddoomiyaha xubno Ganacsato ah oo ka soo jeeda beeshiisa oo uu horkacayay Maxamed Aw Siciid Geedi, kuwaasi oo la tilmaamay inay kaalinta ugu weyn ka qaateen sidii kulankaasi u qabsoomi lahaa, isla markaana meesha looga saari lahaa kala-qeybsanaantii ka dhalatay khilaafkii xisbiga KULMIYE.

Dhinaca kale, war-saxaafadeed ay caawa soo saareen ganacsatada arrintan gashay, ayaa lagu sheegay; “Khilaafkii KULMIYE Ee baryahanba soo jiitamayey, waxa si xilkasnimo ah u soo afjaray ganacsatada waaweyn ee beesha Sacad Muuse, waxayna soo saareen qodobbadan.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, wuxuu jagada Musharaxnimada shanta sano soo socota uga tanaasulay Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) taasoo si niyad sami la isugu afgartay, kuna dhamaatay inay is gacan qaadaan Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha KULMIYE, Ka dib kulan dhex maray Caawa.

Magacyada Ganacsatada Beesha Sacad Muuse.

  1. Maxamed Aw Siciid Geeddi.
  2. Jaamac Oomar.
  3. Rashiid Ibraahim Ciise.
  4. Maxamed Xuseen Axmed.

 

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories