HomeGuddoomiyaha KULMIYE oo Shaki La’aan ku Tilmaamay Guul Xisbigu mar kale ka...

Guddoomiyaha KULMIYE oo Shaki La’aan ku Tilmaamay Guul Xisbigu mar kale ka Gaadho Doorashooyinka soo Socda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hoggaanka KULMIYE oo Casuumay Qaybo ka mid ah Qurba-joogga iyo Madaxda Laamaha Dibadda ee Xisbiga

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa rajo wayn ka muujiyey in xisbigiisu mar kale ku guulaysanayo doorashooyinka soo socda ee Madaxtooyada iyo Baarlamanka ee u qorshaysan inay qabsoomaan horraanta sannadka 2017.

DSC_8687Sidaana waxa uu Md. Muuse Biixi ka sheegay casuumad hoggaanka xisbiga KULMIYE u sameeyey qaybo ka mid ah qurba-joogga iyo madaxda laamaha xisbiga ee dibadda, gaar ahaan dalal ka tirsan qaaradda Yurub caawa.

Casuumadda oo ahayd afur iyo casho ka dhacday huteelka Ambassador ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo qayb ka ah dardargelinta u diyaargarowga xisbiga ee doorashooyinka soo socda, waxa ka qaybgalay xubnaha hoggaanka xisbiga oo uu hormood u yahay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Maayarka Caasimadda Md. Cabdiraxmaan Soltelco, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan, qurba-joog fara badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga ee waddamada dibadda ku nool oo ay ku jiraan madaxda laamaha xisbiga ee dalal ku yaal Yurub oo ay ka mid yihiin Sweden, Finland, Wales iyo kuwo kale.

????????????????????????????????????

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, Maayarka caasimadda Md. Cabdiraxmaan Soltelco, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mr. Maxamed Aaden Cilmi (Ilkacase) iyo siyaasiga Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo dhawaan xisbiga ku biiray, ayaa hadallo kooban oo ay ka jeediyeen kulankaasi uga mahadceliyey qurba-joogga ajiibidda casuumadda xisbiga KULMIYE u sameeyey, waxa kaloo ay uga xog-warrameen hawlaha xisbiga iyo xukuumaddiisa, waxqabadka ay dalka ka hirgelisay, u diyaargarowga doorashada iyo arrimo kale.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad kooban ka jeediyey madasha, ayaa soo dhaweeyey qurba-joogta xisbiga, waxaannu u sheegay in xisbal-xaakimku marayo halkii u wanaagsanayd waqtigan, isla markaana uu rajo wayn ka qabo inuu mar kale ku guulaysanayo doorashooyinka soo socda.

“KULMIYE maanta meel wanaagsan buu joogaa, tartanka soo socdana shaki kama qabo Ilaahay idinkiisa siday u eegtahay iyo indhahay leedahay, KULMIYE waa intiisii oo wuu weliba ka sii xoogaystay, KULMIYE waa xisbigaa 14 jirka ah ee ay isugu yimaadeen haldoorkii Somaliland oo dhami. Xilka inna saarani waxa weeye KULMIYE lix sanno oo uu xilka hayey magaca loola baxay waa dawladdii waxqabadka oo uu dalka iyo dadka wax badan taray, innaguna iminka waddadaa la inoo jeexay ee waddada horumarka ayeynu sii wadi, wixii aynu toosinay ee wanaagan ee inoo baxay waynu sii wadi doonaa, wixii qalad ah ama aanay fursaddu inna siina iminka ayeynu daraasadeedii samaynaynaa oo aynu dhammaynaynaa,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories