HomeGuddoomiyaha KULMIYE Oo Raysal Wasaare Ku Xigeenka Itoobiya kala Hadlay Iskaashiga labada...

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Raysal Wasaare Ku Xigeenka Itoobiya kala Hadlay Iskaashiga labada Dal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Maalmaha kooban ee ka hadhay shirwaynahana Guddoomiyaha xisbiga ayaa awood u leh haddii uu wax ka beddelayo iyo haddii uu sidooda u daynayo Guddida Fulinta iyo guddida qabanqaabada”

kulmiyee

Addis-ababa(SLpost)- Xisbiga tallada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa dhigiisa dalka Itoobiya ee EPRDF, kala hadlay qoddobo badan oo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland iyo sidii si sal-balaadhan labada qaran u yeelan lahaayeen wax-wada qabsi.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee xisbigaasi Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa Isniintii si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyay magaaladda Addis-aba ee dalka Itoobiya, iyadoo lagu marti-qaaday xuska maalinta qoomiyadaha dalkaasi oo dhawaan loo dabaal-degayo.

Guddoomiyaha iyo Weftigiisu waxay maanta la kulmeen Ra’iisal wasaare-ku-xigeenka, ahna Xoghayaha Guud ee xisbiga EPRDF Ethiopia Ato Demeke Mekannon, sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu Addis-ababa ka soo saaray Xoghayaha guud ee KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf. Waxaanu u dhignaa sidan:-

“25-kii November 2013) waxa ka degay gegida diyaaradaha ee magaaladda Addis Ababa Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Xasan Siciid Yuusuf. Masuuliyiintan ka socotay Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyey hab-maamuus qadarin leh.

Weftiga oo uu wehelinayo Safiirka Somaliland Amb. Aadan Nuux Dhuule waxay maanta (26 Nov 2013) xarunta dhexe ee xisbiga EPRDF kula shireen Ra’iisal wasaare-ku-xigeenka, ahna Xoghayaha Guud ee xisbiga EPRDF Ethiopia Ato Demeke Mekannon, kulankan oo qaatay muddo ku dhow laba saacadood ayey masuuliyiinta labada dal kaga wada hadleen; aqoonsiga Somaliland, nabadgalyada, horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo lskaashiga labada xisbi xaakim.
KULMIYE

Weftigu waxay u sharraxeen Ra’iisalwasaare-ku-xigeenka in bulshada caalamka iyo dawladaha deriskaba ay dawladda Somaliland weli ka sugayso aqoonsigii ay xaqa u lahayd. Weftigu waxay ka xog-warrameen horumarka dhaqaale ee Somaliland hiigsanayso inay wax badan ka dhiman tahay inta aanay toos ula macaamili karin hay’adaha dhaqaalaha adduunka.

Waxa kale oo laga wada hadlay siday labada dal isaga kaashan lahaayeen nabadgelyada. Waxay labada dhinac ka wadahadleen sidii loo daadajin lahaa heshiisyada lagu hirgalinayo Berbera-Addis Corridor. Weftigu waxay u bandhigeen in Dekadda Berbera awood u leedahay inay maamusho afar milyan oo metric ton (4000,000TM) sannadkiiba, marka laga reebo baahida Somaliland taas oo dabooli karta boqolkiiba sodon 30% baahida Ethiopa ee dekadeed.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen sii kordhinta deeqda waxbarasho ee Somaliland ka hesho Ethiopia iyo u fududaynta xaaladaha la soo gudboonaada ardayda.

In labada xisbi iska kaashadaan xagga siyaasadda waayo-aragnimada iyo tababarada.
Gunaanadkii waxa si guud la isla gartay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada badan ee laga wada hadlay iyo in labada xisbi sii adkeeyaan xidhiidhkooda.
wefiga oo la soo dhaweynayo
SIXITAAN
Dhinaca kale, War-saxaafadeed aan shalay ku bixiyey madaarka Hargaysa waxaad moodaa in jaraa’idka iyo websites ka qaarkood ay si qaldan u baahiyeen iyaga oo sheegay in KULMIYE uu aqbalay shuruudihii ahaa inaan shanta sanno ee soo socda waxba laga beddelin golaha dhexe, guddiga fulinta iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE. Arrintaasi sax maaha.

Shirwaynaha xisbiga oo keli ah ayaa awood u leh doorashada guddoomiyaha, ku-xigeenada, xoghayaha guud iyo golaha dhexe ee xisbiga, waa awood aanay cid kale farogelin karin, shirweynaha ayeyna u taalaa. Hoggaanku xisbigu ma farogalin karo awoodaha sharci ee shirweynaha xisba. Marka shirwaynuhu hawshiisa dhammaysto Guddida Fulinta waxa magacaabaya guddoomiyaha xisbiga, waxaanna ansixiya golaha dhexe, iyadana sharcigaas baa loo marayaa.

Maalmaha kooban ee ka hadhay shirwaynahana Guddoomiyaha xisbiga ayaa awood u leh haddii uu wax ka beddelayo iyo haddii uu sidooda u daynayo Guddida Fulinta iyo guddida qabanqaabada shirweynaha.”

Somalilandpost.net

Addis-ababa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories