HomeGuddoomiyaha KULMIYE Oo Natiijada Shirkii Somalia Ee London Ku Tilmaamay Duullaan Somaliland...

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Natiijada Shirkii Somalia Ee London Ku Tilmaamay Duullaan Somaliland Lagu Soo Qaaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa duullaan lagu soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay natiijada shirkii dhawaan Soomaaliya loogu qabtay magaalada London ee carriga Ingiriiska, kaas oo lagu lafo-guray sidii cuno-qabaynta looga qaadi lahaa Soomaaliya.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey xaflad xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyey taageerayaal cusub oo ku biiray, waxa uu si cad uga digay shirkaas iyo natiijadii kasoo baxday, waxaannu naqdiyey go’aanka beesha caalamku ku gaadhay inay garabgasho Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo uu ku tilmaamay nin u soo biyeystay inuu dhiso ciidamo uu Somaliland ku weeraro, waxaannu yidhi, “Toddobaadkan shir baa lagu qabtay London, shirkaasna waxay caalamka yidhaahdeen aynu caawinno Soomaaliya, laakiin lama odhanin Somaliland ma joogto, intii horena lacag baa la dooni jirey oo madaxdii hore waxay odhan jireen dhaqaalaanu rabnaa oo dadkii baa abaaro ku dhaceen oo naga qaxooti ah ee na dhisa aannu dawladda dhisnee, laakiin waxa yimi wiil firfircoon oo adeerkii la sansaan ah oo yidhi ciidan halla ii dhiso aan dagaal tago’e.”

 

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu su’aal geliyey ujeeddada loo dhisayo ciidamada loo samaynayo Soomaaliya, isaga oo farta ku fiiqay in Somaliland oo hore xasuuq iyo dhibaatooyin kaleba loo geystay aanay weli u hollanin dhisme ciidan oo colaad huriya, “Ciidanka Farmaajo loo dhisayo ee uu doonayaa cidda uu dagaal tegayaa wa’ayo? Xataa innaga oo wixii la ogaa innagu dhaceen oo diyaaraddii Hargeysa ka kacday ina duqaysay xataa waynu ka baqanaa inaynu waxeenii sheegano oo waxaynu nidhaahnaa ictiraaf baynu doonaynaa yeynaan waxba sheeganin,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada caalamka ee u heellan inay Soomaaliya ciidamo u dhisaan weydiiyey dareenka uu ciidankaasi gelinayo bulshada reer Somaliland ee xasuuqa iyo dhibaatooyinka gabbood-falka ahba loo geystay, waxaannu yidhi, “Waxaan weydiinayaa Farmaajo iyo qoladan wadata ninkii wax dilay ee wax xasuuqay marka uu maanta ciidan dhisanayo kii uu xasuuqay ee uu diyaaradaha la dhacay ee maydkiisa iyo qaxootigiisu banka wadhnaa muxuu yeelayaa? Geeska Afrika sidaas maku degayaa bay idinla tahay? oo raggii dhintay miyeynu khiyaamaynaynaa oo waxaynu odhanaynaa kuwaasi ha iska dhinteene annaga uun hanna laynina.”

 

Guddoomiyuhu waxa uu si cad u sheegay inuu ciidamada loo dhisayo Soomaaliya u arko dagaal qaawan oo Somaliand lagu soo qaaday, waxaannu yidhi, “Caalamka waxaannu u sheegayna ama London haku shiro ama New York haku shiro’e Ciidanka Farmaajo loo sameeyo ee maanta dawladdaas Muqdisho kaligeed loo abuuro waxaannu u aragnaa dagaal cad oo Somaliland lagu soo qaaday ninkii doonaaba haka qaybgalo’e.”

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu ka sheekeeyey sidii ay labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya u midoobeen iyo sidii ay u kala tageen, isaga oo caalamkana u sheegay inaanay garwaaqsan doonin in labadii dal midna ciidamo loo dhiso mid la iska ilaawo, “Laba dalna waanu ahayn oo xoog ismaanu qabsan oo namay qabsanin oo isumaanu dhiiibin, 1960-kii baanu heshiis midnimo galnay, 1991-kii buu dumay oo nin waliba dantiisa ayuu u dhaqaaqay Somaliland iyo Soomaaliya, garanmayno caalamkana ka garawsanmayno ninna waanu soo hubaynaynaa si uu kuu qabsado adna sii hurud, taasina soconmayso nabadna lagu heli maayo,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories