HomeGuddoomiyaha KULMIYE oo la Filayo inuu Caddaysto Hankiisa Siyaasadeed iyo Duruufaha ku...

Guddoomiyaha KULMIYE oo la Filayo inuu Caddaysto Hankiisa Siyaasadeed iyo Duruufaha ku Xeeran Shirka u Furmaya Xisbigiisa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 05 April, 2012 (SLpost)-  Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah hankiisa siyaasadeed uga caddeeyo marka uu furmo shirka golaha dhexe ee xisbigiisa oo dhowaan ku qabsoomi doona caasimadda Hargeysa.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Jamhuuriya, waxa uu Md. Muuse Biixi Cabdi damacsan yahay inuu murrashaxnimadiisa jagada madaxweynenimo ee KULMIYE dhexdiisa kaga dhawaaqo shirka golaha dhexe ee xisbul-xaakimka oo la filayo in maalmaha soo socda la cayimo xilliga uu qabsoomayo, iyadoo ay jiraan loollanno kaloo siyaasiyiinta KULMIYE ku doonayaan in murrashaxa xisbiga lagu dhawaaqo marka laga gudbo doorashooyinka golayaasha degaanka.

Xidhiidho kala duwan oo Jamhuuriya la sameeyey masuuliyiinta sare ee KULMIYE shalay ilaa xalay si wax looga weydiiyo arrimahan ayaanay noo suurtogelin in aannu telefoonnada ku helno.

Haseyeeshee, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxay in culays badan Muuse Biixi kaga yimi taageerayaasha xisbiga oo ku khasbaya inuu murrashaxnimadiisa ka caddeeyo marka uu furmo shirka golaha dhexe, halka qaar kalena aaminsan yihiin in shirweynaha golaha dhexe lagaga doodo oo keliya dhismaha KULMIYE, isla markaana aanay xilligan habboonayn in la shaaciyo murrashaxooda jagada madaxweynaha, kuwaasoo ku doodaya in xisbiga oo isku duubani u diyaar garoobo ka qaybgalka doorashooyinka golayaasha degaanka, murrshaxnimadana la cayimo haddii KULMIYE ku guulaysto inuu ka mid noqdo saddexda xisbi qaran ee ka soo baxa tartanka goleyaasha degaanka.

Waxa kaloo ilahaasi tilmaameen in Guddoomiyaha KULMIYE ay haystaan culaysyo siyaasadeed oo kaga imanaya dhinaca taageerayaashiisa oo la sheegay inay ku cadaadinayaan inuu murrashaxnimadiisa madaxweynenimo kaga dhawaaqo shirka golaha dhexe ee xisbiga, kuwaasoo ku doodaya inay jiraan fursado bannaan oo Muuse Biixi u saamaxaya inuu xilligan ku dhawaaqo hankiisa siyaasadeed, maadaama aanay jirin loollanno muuqda waqtigan ka horimanaya murrashaxnimadiisa, waxayna dadka arrintan dabada ka riixayaa qabaan in mustaqbalka KULMIYE ku xidhan yahay qabsoomidda shirka golaha dhexe iyo cayimidda murrashaxa jagada madaxweynaha.

Inkasta oo aan weli la cayimin waqtiga uu qabsoomayo shirka golaha dhexe ee KULMIYE, haddana waxa jira duruufo siyaasadeed oo ku xeeran shirkaas, kuwaasoo ay ugu waaweyn yihiin laba qodob oo kala; in shirkaas lagaga dhawaaqo murrashaxa jagada madaxweynaha iyo in tartanka murrashaxnimadu noqoto kadib doorashooyinka goleyaasha degaanka, arrintaasoo KULMIYE ku noqon karta caqab adag oo halis gelin karta sidii uu uga mid noqon lahaa saddexda xisbi qaran ee ka soo dhex bixi doona doorashooyinka dawladaha hoose ee la filay inay sannadkan gudihiisa dalka ka dhacaan.

Sidoo kale, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo taageerayaal badan oo KULMIYE ka tirsan, ayaa aaminsan in murrashaxnimada xisbiga oo hadda la sii cayimo ay qayb ka qaatan doonto guul KULMIYE ka gaadho tartanka doorashooyinka degaanka oo ku baratami doonaan saddexda xisbi qaran ee hadda jira iyo urur-siyaasadeedyada cusub ee dalka abuurmay.

Xigasho: Jamhuuriya

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories