HomeGuddoomiyaha KULMIYE oo Kormeeray Afar ka mid ah Garoomada Hargeysa ee Tartamada...

Guddoomiyaha KULMIYE oo Kormeeray Afar ka mid ah Garoomada Hargeysa ee Tartamada Ramadaan ka Socdaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Murrashax Muuse Biixi oo booqday garoomada degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax iyo dhallinyarada oo uu kala qaybgalay ciyaarta kubadda cagta
Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer dhiirrigelin iyo indho-indhayn ah ku soo maray garoomada Kubadda Cagta degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax ee caasimadda Hargeysa ee ay ka socdaan tartamada bisha barakaysan ee Ramadaan.
muuse biixi ramadaan (1)Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen madax kale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda, ayaa galabta booqday garoomada kubadda Cagta ee Maxamuud Haybe, Libaaxyada iyo Masallaha ku yaal degmada Maxamuud Haybe iyo Tareedhiska oo ku yaal degmada Axmed Dhagax, kuwaas oo ka mid ah garoomada kala duwan ee degmooyinka iyo gobollada dalka oo dhan oo agabka lagu ciyaarayo ee diraysyada, kubadaha, koobabka iyo billadaha lagu kala guulaysan doono uu bixiyey xisbiga KULMIYE. Waxa kaloo Guddoomiyaha iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta la socday ay dhallinyarada garoomadaasi kala qaybgalay dheesha ciyaarta oo uu qaarkood la galay garoonka, halka garoomada qaarkoodna uu oroda ku sameeyey.
Ugu horrayn, Guddoomiyaha iyo madaxda wehelinaysay waxay kormeerkooda ka bilaabeeb garoonka Kubadda Cagta ee Maxamuud Axmed Cali, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey taageerayaasha kooxihii halkaas ku ciyaarayey, kuwaas oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada Guddoomiyaha iyo xubnaha wehelinayey ugu yimaadeen.
muuse biixi ramadaan (1)Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble la hadlay ciyaaryahannada iyo taageerayaashii ku sugnaa garoonka Maxamuud Axmed Cali, ayaa ugu baaqay inay akhlaaq-wanaag iyo isku duubni muujiyaan inta uu tartanku socdo.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil iyo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir oo iyaguna dhallinyaradii halkaas ku ciyaaraysay iyo taageerayaashoodiiba hadallo u jeediyey, ayaa ka mahadnaqay sida hufan ee guddoomiyaha iyo weftiga la socda ay u qaabileen, waxaanay uga xog-warrameen taageerada iyo himilada xisbiga KULMIYE uu u hayo da’yarta waddanka.
Sidoo kale, Guddoomiye Muuse Biixi iyo madaxda wehelinaysay waxay kormeereen Garoomada Kubadda Cagta ee Libaaxyada, Masallaha iyo weliba Taraydhiska, waxaanna si diirran ugu soo dhaweeyey kooxihii ku ciyaarayey iyo taageerayaashooda.
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), Axmed Muumin Seed, Wasiirrada Wasaaradaha Dhaqanka iyo Qorshaynta – Md. Khadar Xaaji Yuusuf iyo Maxamed Ibraahim Qabo oo iyaguna hadallo ka jeediyey garoomadaasi, ayaa ku dhiirrigeliyey inay ciyaaraan tartan nadiif ah oo wanaag iyo is-dhexgal bulsho laga faa’iido, isla markaana ay ka fogaadaan rabshadaha iyo wixii nabadda wax u dhimanaya.
Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Goltelco) iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), ayaa iyaguna dhallinyarada kula dardaarmay inay ciyaaraha uga faa’iidaystaan ka fogaanshaha balwadaha xun-xun ee mustaqbalkooda aafaynaya.
muuse biixi ramadaan (3)Guddoomiyaha Xisbiga KULMYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadal dhaxal-gal ah oo quluubta dhallinyarada soo jiitay u jeediyey da’yarta, isagoo ku adkeeyey inay is-dhexgalkooda iyo is-barashadooda ku faro adaygaan, kula dardaarmay inay is-faquuqa iyo kala fogaanshaha ka dheeraadaan, waxaannu yidhi, “Aad baan ciyaartoyga u soo dhaweynayaa, dhallinyarada waxaan u rajaynayaa guul noloshooda oo dhan, ciyaarta, aqoonta iyo horumarkaba inay guul ka gaadhaan oo mustaqbalkooda Ilaahay wanaajiyo, dhallinyarada ciyaartoyga ah iyo kooxahana waxaan u soo jeedinayaa inay kooxuhu noqdaan qaar isku dhafan oo xaafadaha magaalada oo dhan ka kooban oo aan xaafad-xaafad loo ciyaarin oo garoon walba kooxo isku dhafani ka ciyaaraan.”
Ujeeddoooyinka ciyaaraha laga leeyahay, ayuu Guddoomiyuhu dhallinyarada si hufan ugu sharraxay, waxaannu kala dardaarmay inay ka dheeraadaan wax kasta oo keeni kara in da’yartu kala fogaato, “Waxaynu doonaynaa inay ciyaaruhu keenaan is-dhexgalka, nabadda, walaaltinimo, wadashaqaynta iyo ilbaxnimada abuuraan, iskuna heli maysaan inaad odayaasha, siyaasiyiinta iyo salaadiinta ku tidhaahdaan dadkaad qayb-qaybinaysaan idinkiina xaafad-xaafad u ciyaartaan. Dhallinyarooy waxa la idinka waxyaabaha aad tabanaysaan ee iminka nolosheenna ina hortaagan ee caqabadaha ah ragga ay horyaalaan inay xalliyaan waa idinka, haddii aad odayaasha leedihiin khaladaad baad gasheen oo aad leedihiin may waxaa iyo waxaa daayaan waa inaad idinku iska daysaan oo waxaa dadkii hore sameeyeen ka baydhaan,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories