HomeGuddoomiyaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Tartannada Ramadaanta ee Garoomada Degmooyinka Macallin Haaruun,...

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Tartannada Ramadaanta ee Garoomada Degmooyinka Macallin Haaruun, Gacan-libaax, 26-ka June iyo Koodbuur

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qabgalay tartannada Kubadda Cagta bisha Ramadaan ee ka socda garoomada degmooyinka Macallin Haaruun, Gacan-libaax, 26-ka June iyo Ibraahim Kood-buur, kuwaas oo ka mid ah tartannada lagu qabanayo gobollada dalka oo dhan oo agabka lagu ciyaarayo uu bixiyey xisbiga KULMIYE.

1V8A4927001Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen saraakiil ka socda xisbiga, wasiirro ka tirsan ka tirsan xukuumadda iyo madaxda heer gobol iyo degmo ee Hargeysa, ayaa galabta booqday garoomada Suldaan Xasan Barre oo ku yaal degmada Macallin, garoonka xaafadda Sheekh Nuur oo ka tirsan degmada Gacan-libaax, garoonka Xawaadle oo ka mid ah degmada 26-ka June iyo garoonka Dhallinta Kacaanka oo hoos yimaada degmada Ibraahim Kood-buur. Waxaannu Guddoomiye Muuse Biixi uu waqti geliyey, isla markaana dadweynihii garoomadaas ku sugnaa kala qaybgalay daawashada ciyaarihii garoomadaasi ka socday, isaga oo dhallinyaradii ciyaaraysayna ku dhiirrigeliyey inay mihnaddii kubadda cagta sii wataan.

Guddoomiyaha iyo madaxda kale waxa booqashada ay ku tageen Garoonka Kubadda Cagta ee Suldaan Xasan Barre si fiican ugu soo dhaweeyey dadweyne badan oo u daawasho tagay ciyaarta iyo ciyaartoygii ciyaarayeyba, iyadoo sidoo kalena ay halkaasi kuqaabileen salaadiin iyo masuuliyiin ku sugnaa.

Xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre oo uu dhalay Suldaanka garoonka loogu magac-daray, Wasiirka Duulista Md. Farxaan Aadan Haybe, Wasiirka Ciyaaraha Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Maayarka Caasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa garoonka ka hadlay, waxaanay Guddoomiyaha uga mahadnaqayeen sida uu xilka isaga saaray booqashada garoonkaas oo inta badan aanay masuuliyiintu tagin.

1V8A4927003Garoonka xaafadda Sheekh Nuur ee degmada Gacan-libaax oo uu isna Guddoomiyuhu booqashadiisa ku soo maray, waxaana halkaas ku qaabilay dadweyne badan oo ku sugnaa garoonka oo waayeel iyo dhallinyaro isugu jiray, waxaana halkaas hadallo kooban oo ku saabsan sida uu guddoomiyuhu da’yarta u garab taagan yahay ka jeediyey xubno ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Md. Cumar Shucayb Maxamed.

Intaas kadib Murrashaxa KULMIYE iyo saraakiisha uu hoggaaminayey waxay kormeerkooda ku  tageen garoonka Xawaadle ee degmada 26-Ka June oo ay ka socotay ciyaar dadweynuhu si weyn daawashadeeda uga qaybgaleen, waxaana soo dhaweyn kadib madasha ka hadlay xubno weftiga ka tirsanaa oo ay ka mid yihiin Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, Maayar-ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdicasiis Cago-weyne iyo xubno kale, kuwaas oo dadweynihii madasha ku sugnaa uga mahadnaqay sida ay muhiimadda  u siinayaan kubadda Cagta iyo daawashadeedaba.

Ugu dambayntii, Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu booqday Garoonka Dhallinta ee degmada Ibraahim Koodbuur, halkaas oo ku soo dhaweeyeen taageerayaal iyo dadweyne uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan Indho-indho oo ka tirsan Golaha Guurtida oo isagu madasha ka jeediyey hadallo soo dhaweyn u badan.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, waxaanay Guddoomiyaha ugu mahadnaqeen sida uu dhallinyarada u dhiirrigelinayo ee uu u garabtaagan yahay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna hadallo uu ka jeediyey garoomadaasi uu booqday waxa uu da’yarta kula dardaarmay inay kobciyaan xirfadooda Kubadda Cagta si ay u metelaan qaranka Somaliland, “Dhallinyarada waxaanu ka rajaynaynaa ciyaar fiican iyo inay ay noqdaan ciyaaryahanno waaweyn oo qaranka Somaliland oo dhan u ciyaara, soo dhaweyntiinana waanu ka mahadnaqaynaa.”

Kormeerka Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee uu hoggaaminayaa ku tageen garoomadan, ayaa daba socday dadaallo xisbiga KULMIYE ku dhiirrigelinayo dhallinyarada ku foogan ciyaaraha kala duwan, gaar ahaan bisha barakaysan ee Ramadaan oo tartannada ka socda dalka oo dhan uu xisbigu maalgaliyey.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories