HomeGuddoomiyaha Kulmiye oo Ka hadlay Rabshadihii ka Dhashay Natiijada Degmada Hargeysa iyo...

Guddoomiyaha Kulmiye oo Ka hadlay Rabshadihii ka Dhashay Natiijada Degmada Hargeysa iyo Guusha Xisbigoodu ka Gaadhay Doorashada

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay  xafiiskiisa waxa uu ku bogaadiyey shacabka Somaliland sidii ay uga qayb qaateen doorashadii golayaasha deegaanka, isla markaana waxa uu tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay shaqaaqadii habeenimadii Jimcaha ka dhacday degmada Axmed Dhagax ee caasimadda hargaysa.

Md Muuse Biixi waxa uu soo jeediyey in waxii aan la isla fahmin la isaga yimaaddo laguna xaliyo qaab nabadgelyo iyo garnaqsi dhamaystiran.

blank
Guddoomiyaha Kulmiye

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ka hadlayey dhinacyadii kala duwanaa ee ka qayb qaatay qabsoomidda doorashooyinka ayaa uga mahadnaqay kaalintii uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka qaatay hirgelinta doorashada iyo sidii xukuumadda oo kaashanaysa Shacbigeeda ay u sugtay amniga xiligii doorashadu dhacaysay.

Md Muuse Biixi waxa kale oo uu isla shir jaraa’idkiisan ku ammaanay gudiga Doorashooyinka qaranka, ururadaii ka qayb galay doorashada iyo musharixiintii tartamayey isagoo uga mahadnaqay ururada caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah kaalintii ay ka ciyaareen geeddi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

Isagoo ka hadlayey kaalintii uu xisbiga Kulmiye ka helay codadkii dadweynaha ayaa gudoomiyuhu waxuu sheegay in mar kale shacbiga Somaliland muujiyeen kalsoonida ay u hayaan xisbiga Kulmiye taasina ay markhaati ka tahay waxqabadkii labadii sano ee xisbigu talada hayey, fursad wanaagsana u tahay dhamaystirka qorshayaasha xisbiga iyo fulinta balanqaadada weli hadhsan.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories