HomeGuddoomiyaha Kulmiye oo ka hadlay Aragtida Xisbiga Talada Dalka Haya ee ku...

Guddoomiyaha Kulmiye oo ka hadlay Aragtida Xisbiga Talada Dalka Haya ee ku Wejahan Golaha WADA-TASHIGA ee lagaga Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay aragtidooda ku wejahan ku-dhawaaqista Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin dalka si weyn looga yaqaano, kaas oo todobaadkii hore Hargeysa laga Shaaciyey.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inaanu dalku qaadi karin dhaq-dhaqaaq noocan ah oo lagu waxyeelleeyo Ammaankiisa, dhaqaalihiisa iyo Deggenaanshihiisa, waxaanu siyaasiyiinta Golaha ku dhawaaqay oo uu ku tilmaamay Rag Mudakkar ah kula taliyey inaanay bulshada u horseedin Qalalaase.

Muuse BiixiMd. Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta qaarkeed u warramay, waxa uu sheegay in Golaha ay siyaasiyiintaasi ku dhawaaqeen aanu qaadan karin waajibaadka ay iska leeyihiin Xisbiyada mucaaradka ee dalka ka jira. “Waxa loo baahan yahay inay is dajiyaan, waxaana waajibaadkaas iska leh Xisbiyada Mucaaradka ee Dalka ka jira oo ay hawshoodii tahay inay waxna toosiyaan waxna dhaliilan. Kolka hore Raggan maalintii dhawayd hadlay waa Rag Odayaal ah oo dalka u soo halgamay. Talo way soo jeedin-karaan, arrimaha dalka way ka hadli karaan, laakiin waxay ahayd in la isu-yimaado oo intaas ay Warbaahinta ka sheegeen ay noola yimadaan oo ay noo shegaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanu hadalkisii sii raaciyey, “Anagu waanu isgaranaynaa Madaxweynahana way is garanayaan, markaa anagu Warbaahinta ka dhaleecayn mayno oo manihin maanta Raggii Warbaahinta ku wada-hadlilahaa ee waxaanu nahay Raggii dalka wax u wada qaban lahaa. Markay Ummaddii ay arragto Odayashii waawaynaa oo is haysta waxba hagaagimayaan.”

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi sidoo kale waxa uu sheegay inaan loo baahnayn wakhti xaadirkan in mudaharaadyo iyo banana baxyo waawayn ay dalka ka dhacaan, waxaanu yidhi, “Dalkeenu maanta ma qaadikaro maalin mudaharaad oo waxay saamayn ku yeel-kartaa dhaqaalaha, lamanahayo dhaqaale. Waxaana mudaharaadka la abaabulaa marka la ismariwaayo, marka waxaan leeyahay Odayaashanu waanu dhamaysan-karnaa. Haddii ay noo iman wayaanna anaga ayaa u tagayna oo odhanayna maxaa idinka maqan.”

 SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories