HomeGuddoomiyaha Kulmiye oo Jawaab ka Bixiyey Go’aan shalay ka soo baxay Guddiga...

Guddoomiyaha Kulmiye oo Jawaab ka Bixiyey Go’aan shalay ka soo baxay Guddiga Diiwaangelinta oo uu uga Digay inay Ku Dhex-milan Khilaafka Xisbiga Kala-Qaybiyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa jawaab ka bixiyey go’aan shalay ka soo baxay Guddiga Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, waxaanu ugu baaqay inaanay ku dhex-milmin khilaafka ka dhex-aloosan xisbiga isla markaan ay ka dhur-sugaan natiijada waan-waanta Guurtidu ka dhex-waddo labada dhinac ee Xisbigu u kala fadhiyo.

Muuse biixiGuddiga Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka oo shalay magaalada Hargeysa shir-jaraa’id ku qabtay, ayaa ansixiyey Liis ka kooban Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha Dhexe oo ay u gudbiyeen Shir-guddoonka Shirweynihii 3aad oo soo saaray Liisas khilaaf ka dhex abuuray Xisbiga, kuwaas oo Garabka guddoomiyaha Kulmiye ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan isla markaana ah ubucda khilaafka Xisbigu ka abuurmay maadaama aan liisaskaas loo gudbin Guddoomiyaha

Muuse Biixi Cabdi ayaa jawaabtiisu daba-socotaa go’aanka shalay Guddiga Diiwaan-gelintu shaaciyeen isla markaana ku tilmaameen ku sheegeen inuu yahay ka kaliya ee sharciga waafaqsan maadaama oo dhinaca kale ee khilaafka qaybta ka ahi aanay waxba u soo gudbin. Waxaanu ugu baaqay inaanay dabka ku sii shidin khilaafka Sharci ee xisbiga inta la xalinayo khilaafka jira, isaga oo u ballan-qaaday inay dhinacoodana u gudbin doonaan liisaska Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta ee uu isagu magacaabay.

War-saxaafadeed ku taariikheysan 31/05/2014 oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo lagu socodsiiyey Guddiga Diiwaangelinta, Ogeysiin-na lagu siiyey Madaxweynaha, Xeer-ilaalinta, Komishanka Doorashooyinka iyo Guddoomiyaha Guurtida, isla markaana xambaarsan doodda garabka Hoggaanka Xisbigu ka taagan yihiin is-maandhaafka jira, ayaa u dhignaa sida tan: –

“Anigoo tixraaacaya qoraalka Tirsigiisu yahay GDU/AAS/205/2014, waxaan idinla socodsiinayaa in qoraalka go’aamada guddiga Diiwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabtu Qaranka iyo Hay’adaha kale Arrimaha Axsaabtu khusayso waxa u soo gudbin kara kaliya Guddoomiyaha Xisbig ama Cidda uu wakiisho, sida ku cad Dastuurka Xisbiga.

Waxaynu ognahay in Astaanta Qaranku tahay Madaxweynaha JSL, sidoo kalena Astaanta Xisbiga Kulmiye waa Guddoomiyaha.

Shirweynihii 3aad wuxuu go’aamiyey Saddex qodob oo kaliya, sida Maqal iyo Muuqaal lagu hayo:

  1. Wuxuu doortay Guddoomiye, Afar Guddoomiye ku-xigeen iyo Xoghaye Guud.
  2. Wuxuu Tirada Golaha Dhexe ku Kordhiyey 100 Xubnood, waanu Ansixiyey.
  3. Wuxuu tirada Guddida Fulinta ku kordhiyey 7 Xubnood.

Waxa kale oo aan idinla Socodsiinayaa:

  1. Shir-guddooonka Shirweynuhu, siduu qorayo Distoorka Xisbigu, waajibaadkooda iyo awooddoodu waxay ku eg tahay inta uu shirweynuhu socdo, mana jirto in shirweynihii uu u igmaday inay iyagu ansixiyaan Golaha Dhexe, awood Sharci-na uma laha.
  2. Shirweynihii Saddexaad may jirin in lagu ansixiyey Guddi fulineed iyo Liiska Golaha Dhexe, midna lagama ansixin ergadii shirweynaha.
  3. Liiska Golaha Dhexe ee Shir-guddoonkii shirweynuhu ama cid kale idiin soo gudbisay, looma soo gudbin Guddoomiyaha Xisbiga, taasina waa sharci-darro kale.
  4. Guddiga Fulinta ee xisbiga waxa magacaabaya oo kaliya guddoomiyaha Xisbiga sida u cad Qodobka 24aad ee Dastuurka Xisbiga Kulmiye, waxaana ansixinaya shirweynaha, maadaama oo aan shirweynihii ansixin-na, waxa ansixinaya Golaha Dhexe oo ka wakiil ah Shirweynaha.

Liiska qoraallada laydiin soo gudbiyey waa waxa sababta u ah khilaafka Xisbiga ka dhex taagan, umadda reer Somaliland-na way ogtahay.

Khilaafkan oo ay abuureen masuuliyiin ay ka mid yihiin xubnihii shir-guddoonka shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye oo awood aanay lahayn ku takri-falay.

Sidaas, daraadeed, waxaanu guddida Diiwaangelinta ugu baaqaynaa in aanay ku dhex-milmin khilaafka Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ah, dibaddana ay ka joogaan iskana ilaaliyaan in sharciyadda cidi gacal-maroojiso.

Waxa kale oo aanu idinla socodsiinaynaa in xalinta Khilaafka Kulmiye dhexdiisa ah ay gacanta ku hayaan Golaha Guurtidu ayna u baahan tahay in la dhawro waan-waanta socota.

Gebo-gabadii, waxaanu idiin soo gudbin doonaa Liiska Golaha Dhexe, Guddiga Fulinta iyo Go’aamadii shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye marka khilaafaadku dhammaado.”

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories