HomeGuddoomiyaha Kulmiye oo Caqli-xumo ku tilmaamay go'aanka Axsaabta Mucaaradku ku qaaddaceen Diiwaangelinta...

Guddoomiyaha Kulmiye oo Caqli-xumo ku tilmaamay go’aanka Axsaabta Mucaaradku ku qaaddaceen Diiwaangelinta Madaniga ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay khilaafka dhinaca sharciyadda Diiwaangelinta Madaniga ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka, waxaanu sharci-darro ku tilmaamay in la joojiyo diiwaangelinta Muwaadiniinta oo maamulkeeda ay gacanta ku haynayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

muuserLabada Xisbi Mucaarad ee Somaliland, ayaa dhowaan ku dhawaaqay inay Qaaddaceen Diiwaangelinta Madaniga ah oo ku tilmaameen in qaabka ay xukuumaddu hirgelinteeda u waddo ka geddisan yahay heshiis beesha Caalamku goob-joog ka ahayd oo dhexmaray Axsaabta siyaasadda, Xukuumadda iyo Guddiga doorashooyinka.

Haseyeeshee, Cadaadis xukuuumadda kaga yimi dhinaca waddamada dhaqaalaha ku bixiya doorashooyinka Somaliland, ayaa sababay in wada-hadal u furmo xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka oo u ballamay kulamo ay ku naaqishaan qaladaad ku jira xeerka diiwaangelinta Madaniga ah. Balse Kulamadaas ayaa baaqday oo aan qabsoomin shalay ilaa dorraad ka dib markii ay xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddu ka xaadiri waayeen kulamadii loo ballansanaa.

Muuse Biixi oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay xisbi xaakim ahaan u hoggaansamayaan heshiiska dhexmaray daneeyayaasha Doorashooyinka Somaliland, balse waxa uu wax layaab leh ku tilmaamay in Axsaabta Mucaaradka ahi ku dhawaaqaan go’aanka ay ku qaaddaceen Diiwaangelinta Madaniga ah iyada oo uu jiray heshiis iyo qorshe ay meel isla dhigeen oo arrinkiisa iyo talo-wadaaggiisa ay u ballansanaayeen.

HALKAN KA DAAWO

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories