HomeGuddoomiyaha KULMIYE oo Bogaadin u diray Wasaaradda Waxbarashada & Ardayda dhammaystay Dugsiyada...

Guddoomiyaha KULMIYE oo Bogaadin u diray Wasaaradda Waxbarashada & Ardayda dhammaystay Dugsiyada sare/dhexe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haye ee KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda dhammaystay waxbarashada dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ee dalka Somaliland, kuwaasoo ku guulaystay imtixaanka shahaadiga sannad-dugsiyeedka 2010/2011, iyada oo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ay natiijada imtixaankaas si rasmi ah ugu dhawaaqday Isniintii toddobaadkan oo ku beegnayd 12 August 2011.

blankWar-murtiyeed xalay ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Saciid Yuusuf, ayaa lagu faahfaahiyey Bogaadinta uu Guddoomiyaha xisbiga xukuumiga ah ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, u diray ardayda, waalidiinta iyo Wasaaradda Waxbarashada. Qoraalka war-murtiyeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan:-  “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda dhammaystay waxbarashada dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ee dalka Somaliland ee ku guulaystay imtixaanka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2010/2011.

Guddoomiyuhu waxa kaloo uu ku bogaadiyey masuuliyiinta iyo macallimiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo guud ahaan waalidiinta dedaalka ay sameeyeen ardayda sannadkan ka qallin-jabiyey dugsiyada Sare iyo kuwa dhexe ee dalka.”

Mudane Muuse Biixi isaga oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yidhi; “Marka la eego natiijada imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo dhexe ee sannad-dugsiyeedka 2010/2011, waxa ka muuqda horumar mug leh oo ku saabsan guusha ardaydu ka gaadheen imtixaanada, marka loo eego sanadihii ka horreeyey.”

“Sidaa darteed; ayaa KULMIYE waxa uu ku hambalyaynayaa ardaydu dedaalka ay sameeyeen, sidoo kalena, xisbigu wuxuu bogaadinayaa Wasaaradda Waxbarashada, macallimiinta iyo waalidiinta Somaliland oo iyagu lafdhabar u ah horumarka waxbarasho ee ka muuqda natiijooyinka imtixaannada Shahaadiga ah,” ayuu yidhi Muuse Biixi. Waxaanu intaa ku sii daray;

 “Siday muujisay natiijada ay soo saartay Wasaaraddda Waxbarashada sannad-dugsiyeedka 2010/2011, waxa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare waxa u fadhiistay shan kun (5000) oo arday. Ardaaydaas dhammaantood way ku guulaystay imtixaanka, mana jirin arday keli ah oo ku guuldarraystay. Waa natiijo qayral-caadi ah, waana markii u horaysay ee sidan oo kale dhacday marka dib loo raaco taariikhda imtixaanaadka waxbarashada Somaliland. Taasina waxa ay sawir ka bixinaysaa dedaalka waxbarasho ee ardayda dalka Somaliland.”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxa uu si gaar ah u hambalyeeyey ardayda hablaha ah ee sannadkan ku guulaysay imtixaanada shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe ba, iyaga oo habluhu ku tallaabsaday horumar weyn oo wiilasha ka horeeyaan dhibcaha imtixaanka.

Isaga oo arrintaas ka hadlayey Muuse Biixi waxa uu yidhi; “Arrin kale oo taariikhi ah oo sanadkan ka muuqata natiijada imtixaanada shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe ee daalka Somallilaand, ayaa waxa ay tahay kaalmaha ay imtixaannada ka galeen ardayda hablaha ah ee dugsiyada sare iyo kuwa dhexe, labadaba. Imtixaanka ardayda dugsiyada sare ee dalka waxa ugu sarreysay gabdh, sidoo kalena imtixaanka dugsiyada dhexe waxa ugu saraysay gabadh.”

“Waxa kaloo xusid mudan tobaanka ardey ee ugu sarreeyey imtixaanka dugsiyada sare, shan ka mid ah ayaa hablo ah, imtixaanka dugsiyada dhexe iyagana tobanka ardey ee ugu sarereyey afar ka mid ah ayaa hablo ah. Taasina waxay muujinaysaa tallaabo ay Somaliland hore u qaadday dhinaca waxbarashada hablaha, waana arrin lagu farxo. Sidaa darteed, ayaa xisbiga KULMIYE wuxuu si gaar ah u hambalyaynayaa dedaalka waxbarasho ee ay muujiyeen ardayda habluhu.” Ayuu yidhi Muuse.

“Horumarka ka muuqda Kaalinta Hablaha, dardar-gelin doontaa qorshaha waxbarsho eek u wajahan dhiirri-gelinta waxbaarsshada gabdhaha, kaas oo qayb ka ahaa ballanqaadyadii ku xusnaa barnaamijkii xisbiga KULMIYE ee ololaha doorashadii Madaxtooyada ee 2010, waxa ku caddaa, markuu xisbigu  ku guulaysto doorashada, in xukuumadda cusub ee KULMIYE ay dhiirri-galin doonto ka qaybgalka gabdhaha ee waxbarashada, iyada oo la samayn doono qorshe ku saabsan kor-u-qaadista iyo horumarinta waxbarashada hablaha,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories