HomeGuddoomiyaha KULMIYE iyo Weftigiisa oo Kulamo la Qaatay Safiirka Jarmalka ee Nairobi...

Guddoomiyaha KULMIYE iyo Weftigiisa oo Kulamo la Qaatay Safiirka Jarmalka ee Nairobi iyo Hay’ado kala Duwan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee socdaalka shaqo u joogay dalka Kenya, ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay Safiirka dawladda Jarmalka iyo madaxda hay’ado caalami ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi maanta.

17274466_10203200463569463_1369335914_nSafiirka dawladda Jarmalka u qaabilsan dalalka Kenya, Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Jutta Frasch, ayaa shir ballaadhan kula yeelatay xafiiskeeda Nairobi Guddoomiye Muuse Biixi iyo masuuliyiinta wehelinaya, waxaanay kaga wadahadleen arrimo kala duwan oo ku wajahan Somaliland iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa beesha caalamka.

Mudane, Muuse Biixi waxa uu faahfaahin ka siiyey safiirka dalka Jarmalka xaaladda guud ee uu marayo dalka Somaliland, gaar ahaan abaarta baahsan ee saamaysay gobollada dalka Somaliland oo markii xoolihii dhammaadeen gaadhay in shacabka reer Somaliland iyo dawladdu galaan gurmad lagu badbaadiyo nafaha dadka ku dhibaataysan oo qiyaastii ah laba malyan oo qof.

“Abaarta baahsan ee ka jirta dalkayaga ayaa sababtay in aannu dib u dhigno doorashooyinkii dhici lahaa si aannu u galno gurmadka dadkayaga iyo maatida gaajada iyo harraadka u dhimanaya,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse.

Waxa kaloo uu ka codsaday dawladda Jarmalka inay ka hawlgasho sidii caawimo uga gaysan lahaayeen gurmadka abaarta Somaliland oo ay guud ahaan ka gaabisay beesha caalamka, sidoo kalena uu Jarmalkii sii xoojiyo taageerada dhaqaale iyo horumarinta kaabashaasha dhaqaale ee Somaliland.

Dhankeeda Safiirka dawladda Jarmalka Amb. Jutta Frasch, waxay ku ammaantay Somaliland dadaallada iyo gurmadka abaarta ee ay wadaan shacab iyo dawladba iyagoo aan kaalmo ka helin dunida iyo weliba abuurista hannaanka dawladnimo iyo nabadgalyada buuxda ee ka jirta Somaliland iyo weliba ku wada noolaanshaha xasilloonida ee waddamada mandaqada Geeska Afrika.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE iyo xubnaha weftigiisu waxay kulan la qaateen madaxda Baanka Adduunka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, kaasi oo lagaga wadahadlay sidii Somaliland looga caawin lahaa dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha abaaraha soo noqnoqday.

Weftiga Somaliland ee xisbiga KULMIYE waxay hore intii ay ku sugnaayeen magaalada Nairobi kulamo ula yeesheen Safiirrada Safiirka Maraykanka Mr. Stephen Michael Schwartz iyo Safiirka Midowga Yurub Mrs. Veronique Lorenzo iyo hay’ado caalami ah, kuwaas oo ay dhammaantood kala hadleen arrimaha abaarta ka jirta Somaliland, doorashooyinka iyo dib-u-dhaca ku yimi, xaaladda guud ee nabadgalyo iyo siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa kulamadaa ku wehelinayey Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Boos, Safiirka Somaliland u qaabilsan Kenya Md. Cabdillaahi Cabdi Cali, siyaasiga Cali Baashe oo ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xubno kale.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories