HomeGuddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo soo Gunnaanaday Socdaal ay ku...

Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo soo Gunnaanaday Socdaal ay ku Mareen Galbeedka Somaliland

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Hargeysa (SLpost)- Wefti ballaadhan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE oo uu horkacayey Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku soo laabtay magaalada Hargeysa caawa, kadib markii uu soo dhammeystay socdaal la xidhiidha wacyigelinta diiwaangelinta doorashooyinka oo uu ku soo maray Gobollada Awdal iyo Salal oo qaadashada kaadhka laga bilaabay toddobaadkan gudihiisa.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Weftiga KULMIYE oo ka koobnaa hoggaanka Xisbiga, xubno Wasiirro xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno Baarlamanka, Golayaasha Deegaannada qaarkood ka socday, masuuliyiin kale iyo siyaasiyiin xisbiga ku abtirada, kuwaasoo muddo siddeed maalmood ah socdaal xidhiidh ah ku marayey deegaannada hoos yimaadda Boorama, Saylac, xeebta galbeed ee Somaliland ilaa iyo xuduudka Djibouti, si ay dadweynaha ugu dhiirrigeliyaan qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dabayaaqada bisha March, 2017, ayaa ku soo hoyday magaalada Hargeysa caweyskii caawa.

Weftiga oo socdaalkiisa u dambeeyey ka bilaabay magaalada Lughaya oo ay u hoydeen habeenkii Salaasadii, ayaa kadib xaflad ballaadhan oo shacabka ku dhaqani ku sagootiyeen, waxa uu kormeer ku maray deegaannada hoos yimaadda magaalooyinka iyo tuulooyinka kala ah; Riigga Kalowle, Gargaara, Tuurka, Garba-dadar iyo Cali-xaydh oo laga fulinayo hawsha qaadashada kaadhka diiwaangelinta codbixiyaha, kuwaasoo dadweynaha ku dhaqan si ballaadhan ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinka xisbiga KULMIYE oo iyaguna goobo iyo fagaarayaal kala duwan hadallo ay uga jeediyeen uga mahad-celiyey qaabilaadda diirran ee ay kala kulmeen, isla markaana uga warramay ujeeddada socdaalkoodka oo ay ku sheegeen inuu daaran yahay wacyigelinta iyo xog-ogaal u noqoshada xaalada abaarta ee ka jirta dalka, gaar ahaan gobollada galbeedka oo ay ku daran tahay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadallo u ujeediyey shacabka ku dhaqan deegaannada uu socodka ku maray, ayaa uga mahad-naqay soo-dhaweymo aanay u kala hadhin oo ku muujiyeen taageerada ay u hayeen xisbul-xaakimka iyo murrashaxiisa Madaxweynaha oo ay u ahayd markii koowaad ee ay la kulmaan tan iyo intii lagu doortay shirkii shanaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ku qabsaday Hargeysa dabayaaqadii sannadkii 2015-kii. Waxa kaloo ku boorriyey dadweynaha qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka oo uu ku tilmaamay inuu hiil u noqonayo qarannimada Somaliland deegaannadooda iyo taageerada ay xisbiga u hayaanba

Dhinaca kale, Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka kula dardaarmay illaalinta nabadgelyada, wadajirka iyo midnimada ummadda, waxanu isaga oo si gaar ah ula hadlayey dadka ku nool deegaannada Lughaya, Gargaara, Tuurka iyo Garba-dadar oo uu kula dardaarmay inay xalliyaan kala qeybsanaan dhexdooda taal oo uu xusay inay keentay khilaaf ku salleysan deegaan iyo wax kala sheegasho kala kaxaysay dad walaalo wada dhashay oo aan meel kala tageyn, waxaannu ballanqaaday in diiwaangelintani ka qabsoomi doonto lix goob-doorasho hoos yimaadda deegaannadaas oo muran dartii aanay wax coddeyn ahi ka dhicin.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories