HomeGuddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Natiijada Safar Wefti Somaliland ku...

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Natiijada Safar Wefti Somaliland ku gaadheen dalka toobiya iyo kulamo u qabsoomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wefti Dawladda Somaliland ka socday oo maalmihii u dambeeyey hawlaha shaqo ugu maqnaa dalka Itoobiya, ayaa ku soo gurya noqday Caasimadda Hargeysa iyaga oo ka warbixiyey waxa uga soo qabsoomay safarkooda.

Weftiga Somaliland ee Itoobiya ku maqnaa oo Galabta  Madaarka Diyaaraddaha ee Caasimadda Hargeysa ka soo degay, ayaa weftigaasi  oo ka koobnaa  wasiirka shaqo gelinta iyo arimaha Qoyska  Somaliland Marwo Hinda Axmed Gaani, Wasiir-xigeenka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Md Xuseen Ibraahim Buuni,  Wasiir-ku-xigeenka cusub ee wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Maxamed Daahir Furre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalim , Xoghayaha guud ee golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, waxa uu Guddoomiye sharmarke Geelle oo markii ay weftigu ka soo degeen Madaarka saxaafadda uga warbixiyey wixii weftiga uu ka midka ahaa uga soo qabsoomay socdaalkoodii Itoobiya iyo kulamo ay Addisababa kula soo yeesheen Madax kala duwan iyo shaqaalaha dawladda Somaliland ee halka Jaamacaddaha ku yaala wax ka barta, waxa uu hoosta ka xariiqay in safarkoodu guul iyo khibrad Somaliland faa’iido u ah la soo noqdeen dhawaana Somaliland laga hirgelin doono nidaamka hawlgabka shaqaalaha dawladda ee Somaliland oo siyaasadiisii la dhamaystiray.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo sharaxaayey ugu horeyn safka ay weftiga uu ka midka ahaa Itoobiya ku tageen waxa uu yidhi “Waxaanu Garoonka Diyaaraddaha ee Hargeysa kaga soo degnay weftigii heer qaran ee Somaliland ee dalka Itoobiya u tegay baadhida iyo xogogaal u noqoshadda aqoon is waydaarsiga guddiyada hawl gabka ah ee ka jira dalka Itoobiya, waa qaybta shaqaalaha dawladda iyo qaybta bulshadda Rayidka ahba u qaabilsan hanaanka hawl gabka ee qaranka Itoobiya, weftigayagan Somaliland oo uu hogaaminaayey wasiirka shaqo gelinta iyo arimaha Qoyska  Somaliland Marwo Hinda Axmed Gaani, Wasiir-xigeenka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Md Xuseen Ibraahim Buuni,  Wasiir-ku-xigeenka cusub ee wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Maxamed Daahir Furre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalim , Xoghayaha guud ee golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay heliyaan madaxda wasaaradda shaqo gelinta iyo madaxda Mashaariicda dib u habaynta shaqaalaha dawladda ayuu weftigani ka koobnaa, hada ayuu ka soo galay weftigu safarkayagii Itoobiya aanu ku tagnay oo 3 maalmood ahaa”

Guddoomiye Geelle oo hadalkiisa sii wata waxa uu sii sharaxay weftigu kulamadii ay la soo qaateen Xafiisyo dawli ah oo dalka Itoobiya ku yaala waxaanu yidhi “Intii uu ku jiray weftigu hawlihii qaranka uu ugu igmanaa ee ahaa soo hubsashada hanaanka loo maamulo hawlgabka qaranka Itoobiya, waxay weftigayagu xogogaal u noqosho iyo aqoon is waydaarsi u tageen, waxaana sharaf iyo karaamo ah sidii wanaagsaneyd hawlihii ay guddidu ay u tageen u soo heleen, runtiina dhawaan Somaliland waxa ka hirgeli doona hanaanka hawl gabka shaqaalaha dawladda oo siyaasadiisii iyo hanaankiisii la dhameeyey , Itoobiyana waxaanu u tagnay in la soo hubiyo dalal hore u tijaabiyey nidaamkaasi wixii guul iyo gaabis uu lahaa iyo caqabadihii ka hor yimid markii ay shaqada qabaneyeen iyo runtii Jidkii ay u mareen in uu nidaamkaasi u qabsoomo, guddidayadani hawshii aanu u tagnay Itoobiya waxay noogu soo dhamaatay si sharaf iyo wanaag leh, waxaana xusid mudan intii weftigayagani aanu Addisababa ku sugneyn in aanu la soo kulanay Jaamacadda shaqaalaha dawladda ee Itoobiya oo iyagu runtii shaqaalaha dawladda ee Somaliland deeqo wax barasho siiya iyo aqoonta shahaadada Heerka 2aad oo ay Somaliland siiyaan oo anaguna aanu uga mahadcelinay sida  fiican ee ay dhinaca aqoonta Itoobiya inooga taageeraan aanan ka sii codsanay inay deeqaha waxbarasho inoo korhdiyaan”

 

Md Sharmarke Geelle ugu dambeyntii waxa uu ugu farta ku fiiqay in nidaamka siyaasadda hawlgabka shaqaalaha dawladda oo ay Somaliland ka hirgelin doonaan dhawaan khibrad ahaan ay uga soo korodhsadeen Itoobiya waxaanu yidhi “Waxaanu sido kale xalay kulan la qaadanay Ardaydii shaqaalaha dawladda ee waxbarashadda u joogay Itoobiya , si ay xaaladooda ugu soo xogogaal noqdaan aanan u soo derisno wixii ay hawl iyo codsiyo qabeen ama horumarin ay u baahnaayeen, weftigayagiina sida ayuu ku soo guryo noqday safarkiina guul ayuu ku soo laabtay Somaliland waxay u diyaar garoobaysa dhawaan hirgelinta hanaanka shaqaalaha hawlgabka ah si dadkeeni waa wayna ay u nastaan dhalinyaradeenuna ay u qabtaan kaalmo sare sido kalena ay u abuurmaan fursado shaqo hanaankaasina dadka waa wayn waa u nasasho dhalinyartana waa u dalacaad inta bilaa shaqooyinka ahna waa u shaqo helid”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories