HomeGuddoomiyaha Guurtida Oo Soo Bandhigay Laba Dawladood Oo Uu Sheegay Inay Yihiin...

Guddoomiyaha Guurtida Oo Soo Bandhigay Laba Dawladood Oo Uu Sheegay Inay Yihiin Kuwa Ugu Fog Qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(Slpost)-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ku tilmaamay labada dawladood ee ugu dhego adag qaddiyada madaxbanaanida Somaliland, isagoo sheegay inaanu afka ka dhawrayn magacaabista labadaas dawladood.

Guddoomiyaha guurtida oo hadal ka jeediyay fadhigii shalay ee golaha guurtida, wuxuu kaloo si adag uga digay dilalka saraakiisha iyo weliba shacabka oo uu sheegay in haddii ay sii socoto ay qaranka meel xun gaadhsiinayso, waxaanu sheegay in qaran jab ay tahay qaran saraakiishiisii ugaadhsaday.

Nabadgelyada

Guddoomiye Saleban, isagoo ka hadlaya nabadgelyada qaranka, si gaar ahna u soo qabsanaya dilalka saraakiisha iyo weliba dilalka shacabka, wuxuu yidhi “Nabadgelyada, ma qurux badnaan idin leeyahay, waayo saraakiishii ka soo hoyanay, wax allaala wax lagu laynayana maynaan garan, saraakiil badan baa le’atay, waxaan filayaa madaxweynuhu guddi wuu u saaray uu yidhi soo dersa, aan kana war qabno, wixii aan ku kordhin karnana aynu ku kordhino, dal saraakiishiisa ugaadhsaday waa jab, waa jab weeye, hal dhubuqlihii baa batay, qof caadi ah oo la dilayo baa batay, koox kooxdii baa badatay, haddii aanay joogsanin oo gacan adag oo bir ah lagu qaban way balaadhan, mar haddii hal dhubuqluhu bato ta’ weyn bay tagaysaa, beelo ayay tagi; dee waynu is naqaanaaye, waxay ila tahay arrintaana gacan bir ah in lagu qabto, ciddii la timaadana inaan loo gelin jixin jix.”

Ictiraafka Somaliland

Guddoomiye Saleban, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ku bogaadiyay guddiga uu u magacaabay aqoonsi raadinta Somaliland, “Madaxweyuhu ictiraaf raadintii waaka guddi weyn u saaray oo balaadhan oo asxaabtu ku jirto, aad baan ugu bogaadinaynaa guddigaas balaadhan. Madaxweynaha iyo xukuumadiisaba waan ku bogaadinaynaa aan ka wada hawlgalno.” ayuu yidhi.

Isagoo ka hadlaya labada dawladood ee Maraykanka iyo Ingiriiska wuxuu guddoomiye Saleban yidhi “Aan ducaysanana in dee Adduunku wuxuun inaga qablo. Dawlado waaweyn ayaa inaga soo horjeeda sidii hore, maantay dawladaha waaweyni inoogu dhego adagyihiin, khusuusan Maraykanka iyo Ingiriiskaa inoogu dhego adag, afka waxba ka dhawri maayo, way inagu dhego adagyihiin. Bal guddidaana aan la shaqayno, xuuumadda iyo ciddii ay d diraysaba diyaar inaan u noqono waa lagama maarmaan.”

Guddoomiye Saleban, wuxuu kaloo ka hadlay abaaraha dalka ka jira iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha, waxaanu xildhibaanada u soo jeediyay inay mar walba la socdaan xaaladda shacabka Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories