HomeGuddoomiyaha Guurtida Oo Musharraxiinta Xisbiyada U Soo Jeediyey In Yooyootankoodu Khalkhal Abuurin

Guddoomiyaha Guurtida Oo Musharraxiinta Xisbiyada U Soo Jeediyey In Yooyootankoodu Khalkhal Abuurin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 29 Oktoobar, 2017-(somalilandpost) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay marxaladda Xaasaasiga ah ee Dalku marayo, Ololaha Doorashada Madaxweynaha iyo hadallada Xanafta leh ee Musharraxiinta Xisbiyadu isku mariyaan Warbaahinta.

Warka Guddoomiyaha GuurtidaGuddoomiyaha Guurtida oo hadal u jeediyey Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland Shalay, ayaa Musharraxiinta Xisbiyada u diray farriin ah inay Xaaladda ololaha Qaboojiyaan isla-markaana hadallada Xanafta leh ee ay isku jeedinayaan ku beddelaan inay Shacabka u soo bandhigaan Barnaamijyadooda iyo waxay qaban doonaan haddii la doorto.

Guddoomiye Saleebaan oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Xisbiyada waxaanu ka codsanaynaa in aanay inna lulin, waxa wanaaggu yahay in Xisbi waliba uu Siyaasaddiisa iyo Barnaamijkiisa innaga iibiyo, Dadka haka iibiyo oo haku Qanciyo, laakiin is-xag-xagashadu meesha kuma jirto, waxaanu Madaxda Asxaabta ka codsanaynaa inay arrintaa joojiyaan, oo aad na qancisaan, Waayo? Codku wuxuu ku xidhan yahay Xisbi waliba sida uu Dadka u hantiyo, is-xajiimayna laguma hantiyo Codka Dadweynaha.”

Guddoomiyaha Guurtidu waxa kale oo uu sheegay  “Dadweynuhu Cadaaladda ayuu jecel yahay, Ninkii Caddaalad iyo horumar u wada ayuun buu dooranayaa, markaa waxaanu ka codsanaynaa inay Arrinta Qaboojiyaan oo ay Dhulka dhigaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inaan Xildhibaannada Guurtida looga baahnayn inay Xisbiyada ku milmaan, haddiise ay ku milmeen ay tahay in aanay Fagaareyaasha Xisbiyada ka muuqanin, “Golaheenu (Guurtida) wuxuu ku meel-maray inuu dhex yahay, waan ogahay Nin waliba Xisbi ayuu hoosta uga feydan yahay (Xildhibaannada Guurtida), waan ogahay in Rag badani ay asxaabta ku jiraan, ma lihin ka baxa (Xisbiyada), laakiin waxaanu leenahay Maaha in Madasha la idinku arko (Fagaareyaasha Xisbiyada) oo aad ka buuqdaan oo aad ka qaylisaan, Madasha hala joojiyo, Odayaal Qaran aynu u muuqanno oo Dadka oo dhan danaynaya.”

Guddoomiyaha Guurtidu waxa kale oo uu hadalkiisa ku sheegay  “ILAAHAY kii Khayr qaba ayuu inoo soo saari, ILAAHAY kii inna dhaqaya ee inna wanaajinaya ayuu inoo soo saari, mid walbana waxaynu ku rejo weynnahay inaynu ka helayno, markaa innaga oo hadhow mid walba aqbali doona yaynaan sii xajiimaynin..”ayuu yidhi.

hargaysa

somalilandpost

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories