HomeGuddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha Golaha Guurtida Oo Sheegay In Heshiiska Dekaddu Aanu...

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha Golaha Guurtida Oo Sheegay In Heshiiska Dekaddu Aanu Dhaqan Galayn Ilaa Guurtida La Soo Mariyo

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa  (SL.Post) Guddoomiyaha Guddida Nabadgalyada iyo Arrimaha Guddaha ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), ayaa ka hadlay heshiiska Dekadda Berbera ee ay shalay Xukuumaddu hor keentay Golaha Wakiilada, waxaanu sheegay inay sharci daro tahay oo aanu heshiiskani dhaqan galaynin ilaa inta la hore keenayo Golaha Guurtida, waxaanu sheegay in qodobka 38, faqradiisa 6, xarafkiisa T uu sheegayo in labada Gole Barlamaan inay xaq u wada leeyihiin ka doodista iyo ansixinta heshiisyada caalamiga ah ee ay Xukuumaddu gasho, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in Golaha Guurtida la hor keeno.

 

 

blank

 

 

 

 

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan),oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskan ay ku jiraan qodobo aan dan u ahayn Somaliland, isaga oo arimahan ka hadlayana wuxuu yidhi “Marka hore heshiiskan ka doodistiisa iyo ka wada hadalkiisa labada Gole wey wada leeyihiin, Golaha Wakiilada oo qudhi ma leh, waxaana taas caddeeynaya qodobka 38 faqradiisa 6 xarafkiisa T ee Dastuurka Somaliland, oo ku saleeysan kal-fadhiyada ay wada leeyihiin labada Gole, isla Qodobkani waxa uu sheegaya in Labada Gole Barlamaan wada leeyihiin heshiisyada ku saabsan heshiis Goboleed iyo heshiisyada Caalamiga ahba, marka Xukuumadda waxaan u caddeynayaa in aanay is odhan Golaha Wakiilada ayaa xaq u leh inuu ka doodo oo uu ansixiyo, labada Goleba wey wada leeyihiin, oo wada fadhi ha ku yeesheen, ama kal-fadhi ha ku yeesheen, haddii labada Gole mid la iska dhaafana Xeerku noqon maayo Xeer dhaqan gal ah, oo qodobka kale oo Dastuurka ah ayaa wuxuu leeyahay sharci kasta oo labada Gole wada leeyihiin wuxuu ansixi karaa marka labada Gole ansixiyaan, Madaxweynuhuna ansixiyo, marka Xukuumadda taas digniin baan ka siinaya, oo yaanay is odhan Golaha Guurtida dhaafiya, oo Golaha Wakiilada oo qudha ka ansixiya”.

 

 

 

Xildhibaan Axmed Gacan mar uu talo u soo jeedinayey Xukuumadda ayaa yidhi “Waxaad mooda inay Xukuumaddu aad dabada uga riixayso heshiiskan, aadna dadku wey uga shakisan yihiin, oo siyaabo badan oo aad odhan karto maslaxada dalka kuma jirto ayaa heshiiskan ku jira, oo waxa ka mid ah qodobka odhanayaa Boodhka Dekaddu waxay noqonayaan Saddex Somaliland iyo Lix Shirkada ah, weyna kala badan yihiin, taasna waxa ka muuqata in Cashuurta sidii la doono loo kordhin karo, maslaxada dalka taasi kuma wanaagsana, waxaad kale oo mooda inay ku hoos jiraan maslaxdo. dano iyo bayac-mushtariyo gaar ah, Xukuumaddu haddii ay Wakiilada hor keentay heshiiskan waa si fiican, laakiin waxaan ku dardaarmaya in heshiiskii dhabta ahaa la keeno, Golihii Guurtiduna uu sugaya, oo labada Gole wey wada leeyihiin mar haddii uu heshiisku yahay heshiis caalamiya, marka in meel kale laga wareejiyo ha laga digtoonado”.

 

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories