HomeGuddoomiyaha Guddi-hoosaadka Nabagelyada iyo Difaaca ee Wakiillada oo iftiimiyey Muhiimadda Maamul-daadejintu u...

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Nabagelyada iyo Difaaca ee Wakiillada oo iftiimiyey Muhiimadda Maamul-daadejintu u leedahay Gacan-ku-haynta Ammaanka Gobollada iyo Degmooyinka Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Siciid Cilmi RoobleHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Nabadgelyada, Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa ka hadlay nusqaan uu tilmaamay inay ka muuqato qaabka maamul-daadajinta iyo u kala dambaynta maamulka heer Gobol iyo degmo ee Dalka.

Md Siciid Cilmi Rooble waxa uu ka digay haliso horseed u noqon kara nidaamka kali-talisnimada oo waxyeello u geysta hannaanka dimuqraadiyadeed iyo nabadgelyo ee ka tisqaaday Somaliland, isaga oo soo qaatay Fursadaha iyo Xeerarka Dastuurka dalku u jidaynayo maamul-daadejinta gobollada iyo Degmooyinka dalku muhiimad gaar ah u leedahay Adkeynta iyo gacan-ku-haynta nabadgelyada.

Xildhibaan Rooble waxa uu tilmaamay in Xaqa ay u leeyihiin maamullada gobollada iyo degmooyinka dalku inay u madax-bannaanaadaan masuuliyadda ay ka hayaan degmooyinka iyo gobollada ay masuulka ka yihiin, isla markaana aanay habbooneyn in Dawladda dhexe ku faro-geliso hawlahooda, marka laga yimaaddo baahiyaad iyo culays dheeraad ah oo soo wejaha masuuliyiinta gobollada iyo degmooyinka.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu arrimahan kaga hadlay, warsaxaafadeed uu xalay ka soo saaray magaalada Hargeysa, kaas oo u dhignaa sidan: “Sidaynu ka warqabno, Qaranka Somaliland wuxuu qaatay nidaamka dimuqraadiyadeed ee Ismaamulka, markii aynu muddo dheer soo dhadhaminay qadhaadhka nidaamkii digtaariyadda.

Hadaba, waxaan jecelahay inaan ummadda u iftiimiyo qaabka uu u dejisanyahay nidaamkeena Nabadgelyo ee Xeerarkeena iyo Dastuurkeenu Qeexayo.
Sida ku cad Dastuurka JSL xubintiisa 2aad Qodobadiisa 109,110,111 iyo 112 waxay dhammaatood ka hadlayaan qaab-dhismeedka dalka, Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka, Goleyaasha Deegaanka iyo baahinta awoodda Maamulka.

Waxaa Qodobbadaa Distooriga ah ka dheegmay Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka oo faahfaahinaya sida maamulka loo daadejinayo iyo awoodaha Goleyaasha Deegaanka iyo maamulka Gobolka waxaannu tilmaamayaa;.
1. Nabadgelyada Degmada waxa ka masuul ah oo aan la’aantii tallaabo la qaadi karin Duqa Degmada oo islamarkaana ah Guddoomiyaha Degmada, waxaanay dhammaan ciidammada Nabadgelyadu ee degmadaa ku sugani ka amar qaadanayaan Guddoomiyaha Degmada amma Duqa.
2. Guddoomiyaha Gobolku wuxuu isna masuul ka yahay Nabad-gelyada Gobolkaas uu ku magacaabanyahay.
3.Markastoo Nabad-gelyo xumo ama shaqaaqo ka dhacdo Degmo ama gobol waxaa marka hore iska arkaya Guddoomiyaha Degmada iyo Guddoomiyaha Gobolka, iyagaa u xilsaaran xalinta Nabad-gelyo-darradaas soo korodhay.
4. Haddii ay ka awood badato markaas ayay gurmad ka dalbanayaan dawladda dhexe iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Sidaas waxaynu kaga gudbaynaa Nidaamkii Digtaatooriyada ahaa ee amarka xagga sare uun laga bixin jiray 
Waxaan innooga digayaa in aynu u siqno Jidka nidaamkii Digtaatooriga ahaa ee ay ciidammadu dadka aragagaxa gelin jireen, halka aynu uga baahanahay inaynu u durugno dhinaca Dimuqraadiyadda oo ay dadweynaha iyo ciidammadu saaxiib noqdaqan, wada-shaqayna dhexmarto sida dawladaha horumartay.

Waxaa kale oo looga baahanyahay Maamulada Gobollada iyo Degmooyinka inay akhristaan shuruucda dalka oo ay xilkooda iyo waajibaadkooda gartaan.
Marka la eego Qaabdhismeedka Ciidanka Booliska Somaliland, Ma jiro ciidan boolis oo ka madaxbannaan Taliska Ciidanka Booliska JSL, Booliskana waxaa waajib ku ah inuu raaco awaamiirta toosan iyo Xeerarka Dalka.

Guddoomiyaha Guddida Nabadgelyada, Arrimaha Gudaha iyo Difaaca,

MD. Siciid Cilmi Rooble

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories