HomeGuddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo Xaalad Laba Daran mid dooro ah ku...

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo Xaalad Laba Daran mid dooro ah ku jira!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland ayaa Golaha Wakiillada dib ugu soo celiyey Xeerka furista ururrada siyaasadda oo ay ansixiyeen Golihii hore isla markaana ka gudbay Golaha Guurtida, si ay wax-ka-beddel iyo kaabis ugu sameeyaan.

Xeerkan oo xilligan horyaalla Golaha Wakiillada, ayaan gebi ahaanba ku jirin Ajandaha Kalfadhiga Labaad ee Wakiillada oo toddobaadkan furmay, waxaana soo baxaya tuhunno ah in shir-guddoonka golaha Wakiillada oo ka soo jeeda xisbiyada Mucaaradku ay ka caga-jiidayaan inay guda-galaan ka doodista iyo meel-marinta Xeerkan.

blank
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif

Haseyeeshee, Shir-guddoonka Golaha ayaa toddobaadkan sheegay inay xeerka u gudbiyeen garyaqaannada Golaha si ay talo-bixin sharci uga soo gudbiyaan inta lagu gudo-jira kalfadhigan oo socon doona muddo saddex bilood ah.

Ilo-wareedyo ka ag-dhow shir-guddoonka Golaha Wakiillada, gaar ahaan guddoomiyaha Golahaas Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa tibaaxaya in guddoomiyuhu ka cago-jiidayo inuu golaha horkeeno xeerka furista siyaasadda sababo la xidhiidha cadaadisyo uga imanaya xisbiyada mucaaradka ah oo aan xilligan diyaar u ahayn furista ururrada iyo inay mar kale u soo tartamaan derajada xisbinimo.

Dhinaca kale, warar hoose oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya inay jiraan waraaqo ay is-dhaafsadeen madaxtooyada Somaliland iyo shir-guddoonka Golaha, kuwaas oo la tuhunsan yahay inay la xidhiidhaan xeerka furista ururrada siyaasadda, waxaana muuqata in madaxtooyada qaab siyaasi ah uga faa’iidaysanayo arrintan oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ay caddaadis ku saarayso sidii uu xeerkaasi u horkeeni lahaa Golaha.

Xogaha la helayaa waxa ay tibaaxayaan inay habrasho laba mid dooro ah ku tahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo aan doonayn inay isa seegaan xisbigiisa Waddani haddii uu golaha horkeeno xeerkan iyo in duufaano siyaasadeed kaga furmaan dhinaca xukuumadda haddii uu ka caga-jiido rabitaanka madaxtooyada maadaama uu muddo kooban hayay xilka guddoomiyaha Golaha.

In kasta oo xukuumaddu hore isugu dayday inay hanato shir-guddoonka Golaha si danaheeda siyaasadeed ee shuruucda ku xidhani u meel-maraan, haddana waxa la tuhunsan yahay in xukuumaddu wali danaynayso oo aanu ka samrin gacan-ku-dhigista shir-guddoonka, taasina ay tahay sababta la saadaalin karo inuu guddoomiye Cabdirisaaq ugu habran karo ama ugu dhego-nuglaan karo meel-marinta rabitaanka madaxtooyada.

Somalilandpos.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories