HomeGuddoomiyaha Golaha Guurtida oo ka hadlay Shaqaaqo laba Beelood ku dhexmartay Balliga...

Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo ka hadlay Shaqaaqo laba Beelood ku dhexmartay Balliga Diiriye Guuleed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa ka hadlay  Shaqaaqo shalay laba beelood oo isku-ardaa ah  ku dhex-martay Degaanka Baliga Diiriye Guuleed ee duleedka Burco, waxaanu ku baaqay in labada dhinacba ammaanka ilaaliyaan.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay dagaalka labada beelood ee walaalaha ah ku dhexmaray deegaankaas, waxaanu ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto sidii loo ilaalin lahaa ammaanka dalka.

Saleebaan gaal“Kolay horta waxaas Baliga Diiriye Guuleed ka dhacay waa Nasiib darro.Qarankanina uma baahna wax lilijiya ama lula, Ninkii Nin Waxyeelayna Qaranka oo dhan ayuu wax yeelay. Waa Nasiib darro, waxaanu waydiisanaynaa, oo codsanaynaa oo ku baryootamaynaa waar Nabadda aan xejisano,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Guurtida.

Gudoomiyuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay Go’aanka Guurtidu labada Beelood ee diriray mid ahaan hore ugu xukuntay lahaanshaha dhulka lagu muransan yahay “Go’aankii Guurtidu waa inuu fulaa mar walba, wax bedelayna ma jiro. Ninkii Go’aankii Guurtida ku talax tagaya dee isaga iyo Qarankaa isleh Waayo? Go’aanku qarankuu dhaqayay. Qarankay isku dhacayaan Cidii ka hor timaada Go’aanka Guurtida” ayuu yidhi Mudane Saleebaan.

Isku-dhacii shalay iyo khasaaraha ka dhashay

Xukumadda Somaliland, ayaa xabsiga dhigtay Odayaal ka soo kala jeeda Beelaha shalay ku dagaalamay degaanka Baliga Diiriye Guuleed.waxaa sidoo kale la kala dhexdhigay Ciidamo tiro badan oo ka hor taga isku dhac horleh oo halkaasi ka dhaca.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in khasaaraha weerarka ka dhashay yahay laba qof oo dhaawac ah oo ka soo kala jeeda labada dhinac ee dagaalamay “Xogaa ayay rasaas isku rideen oo laba qof ayuu ninba meel ka dhaawacmay oo midna gelinkii hore ahaa midna gelinkii dambe dhaawacmay” ayuu yidhi Badhasaabka Togdheer

Badhasaabku wuxuu sheegay inay talaabooyin qaadeen si loo joojiyo isku dhaca labada Beelood “Markaas Ciidan tobaneeyo ah ayaa joogay laakiin,hadda waxaanu u diray ciidan fara badan oo kala dhex gala oo kala kexeeya. Gacan adag ayaanu ku qabanaynaa arrintaasi oo Odayaashoodana waanu xidhxidhaynaa imikana qaar baanu xidhnay oo soo qabanay labada dhinacba si arrintu u soo afgo’do” ayuu yidhi badhasaabku

Badhasaabku wuxuu sheegay in Go’aannadii hore ee Guurtidu Beesha Cabdalle Arab ugu xukuntay lahaanshaha Dhulkaasi ay rafcaan ka qaadatay Beesha Reer Biniin ee Habarjeclo, islamarkaana aan gacmaha la isku saarin. Waxa uu sheegay in qolaba 50 Oday laga xidhi doono.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories