HomeGuddoomiyaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Ka Hadlay Murashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo Iyo...

Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Ka Hadlay Murashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo Iyo In Loolan Ka Dhex Jiro Xisbigaas

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa ka hadlay wararka muddooyinkii ugu dambeeyey soo baxayey  ee ku saabsanaa in Madaxweynuhu ka tanaasulay Musharaxnimadii Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, isla markaana Masuuliyiin ka tirsan Xisbigu loolan ugu jiraan murashaxnimada.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige  (Jaamac Shabeel) oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale  ka hadlay  saami qaybsiga,sida uu ku soo bilaabay, iyo xalka sida uu arko, waxa kale oo uu ka hadlay dilka saraakiisha ee dalka ku soo kordhaya.

Ugu horayn Mr. Shabeel oo la weydiiyay ololaha iyo loolanka  xisbigooda ka dhex jira, wuxuu yidhi “Olole Xisbiga ka dhex taagani ma jiro, Madaxweynuhu sida uu u sheegay inuu musharax u yahay, war dambe lagama maqal, dadka leh Madaxweynuhu musharax maaha waa dad siyaasada ka sinaysanaya, oo wax kale ka hadlaya, anaga jaranjaradu way noo cadahay, oo Xisbiga waxba kama qarsoona, Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye marka aanu anagu isla garano ayuu qabsoomayaa, waa hawl anaga noo taala, hawl dadka kale u taala maaha” Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye mar uu ka hadlaayey saami qaybsiga waxa uu yidhi  “Saami qaybisagani ilaa iyo 1992-kii qabyo ayuu ahaa, oo wakhtigaas waa lagu heshiin waayey, Boorama ayaa la isla tagay, hab ku meel gaadh ah oo laaluush miidhan la isa siinayo ayaa loo soo qaybiyey, Doorashadii 2005-tii, markii la soo gaadhayna waa lagu heshiin waayey, si Doorashada loo galena waxa lagu heshiiyey in hab ku meel gaadh ah oo lixdankii ah lagu galo doorashada, waxa ay ahayd in hadda Barlamaanku xeerkan laalin ee ay Xukuumadda u gudbiyaan si loo qabto Shir Qaran,oo Gobolada oo dhami ka soo wada qayb galaan oo loo yeedho dadka, oo Goboladu halkaas ku heshiyaan, waxaana daruurinaya in la helo miisaan cadaalada ah oo ay u siman yihiin Goboladu, waana inaynu aragtideedana fogaynaa, oo aynu dhiganaa qaado hadhaw aan khilaaf keenin, oo aan dhibaato dambe keenin oo lagu nagaado, sida uu imika Barlamaanku ku fadhiyaana maaha si lagu dhaqmi karo ama lagu gali karo, maxa yeelay kun cod ayey laba nin ku fadhiyaan Barlamaanka, halka shan kun, siddeed boqol iyo konton codna nin ku waayey, markaas waxa ma cadaalad ayaa lagu sheegi karaa, maya laguma sheegi karo cadaalad”. Jaamac Shabeel ayaa mar uu ka hadlaayey Askarta Saraakiishooda laynaya ee dalka ku soo kordhaya wuxuu  yidhi “Arintaasi waa arin inagu cusub oo aan u baahnayn in la dhayalsado, oo u baahan in la taabto ciladu halka ay ka socoto, baadhistana Wasaaradda Gaashandhigu wey bilawday, inla ogaado halka ay wax ka khaldan yihiin iyo sida ay wax yihiin ayaana wanaagsan”

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories