HomeGuddoomiyaha Gobolka Sool Oo Ka Hadlay Caruur Ay Laascaanood Ku Qabteen Oo...

Guddoomiyaha Gobolka Sool Oo Ka Hadlay Caruur Ay Laascaanood Ku Qabteen Oo Waalidkood Lagu Aamini Waayay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Laascaanood(SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shide,ayaa ka hadlay saddex caruur ah oo ay hayaan xarunta maamulka gobolka Sool, kuwaasi oo laga qaaday magaalada Hargeysa loona waday oo loo geynayay aabahood oo jooga Boosaaso.

Waxaanu guddoomiyaha gobolka Sool intaa ku daray in aan caruurta la soo xadin laakiin waalidka dhalay oo kala tegay awgood ay Hargeysa caruurta ugu haysay aabbaha dhalay gabadh ay walaalo yihiin oo Hargeysa degan laakiin uu caruurta aabbohood oo laacsaanood jooga ku yidhi iisoo dir caruurtayda iyana sidaa ay gaadhi ugu soo saartay. Waxa kale oo uu Guddoomiyaha gobolka Sool intaa ku daray in ay xidheeen dirawalkii gaadhiga baska ah waday iyo nin loo soo dhiibay saddexda qof ee caruurta ah.

Guddoomiyaha gobolka Sool waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka Telefoonka ku siiyay wargeyska DAWAN, isagoo ku sugan magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

“Horta caruur la soo xaday oo aanu qabanay ma jirto ee yaan dadka shaki iyo cabsi lagu beerin oo aan dalka laga dhigin in ay ka jirto tuugo caruurta xaddaa, saddexda caruurta ahina waxay kala yihiin laba wiil iyo gabadh waxaana ugu weyn gabadha oo lix jir ah labada wiilna waa afar jir iyo saddex jir. caruurta labadoodii waalid way kala tageen waxaanay joogeen Boosaaso, Caruurtana waxaa Hargeysa ku haysay gabadh ay ninka caruurta dhalay walaalo yihiin,markaa ninkaa caruurta dhalay ayaa walaashii ku yidhi caruurtayda ii soo dir oo basaska ii soo saar, inantiina waxay Caruurtii soo saartay gaadhi bas ah waxaanay ku soo balamisay nin baska la socday oo rakaabka ka mid ahaa in uu u geeyo caruurta aabbohood,”ayuu yidhi Guddoomiye Shide.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “ Markii ay ciidanku baskan arkeen sida caruurta aan waalidkood la socon way qabteen waxaanay waydiiyeen sababta caruurta loo soo qaaday iyo cidda wadday ee soo kaxaysay. Intaa ka dibna waxay noo sheegeen sidii ay u soo qaadeen caruurta iyo in waalidkood gaar ahaan aabbohood loo geynayo oo Boosaaso jooga intaa ka dib waxaanu xidhnay dirawalkii gaadhiga waday iyo ninkii loo soo dhiibay caruurtaba kadibna waxaanu u yeedhnay labadii qof ee caruurta dhalay ee Boosaaso joogay waanay noo yimaadeen. laakiin waxaa noo cadaatay in aanay ahayn labada qof ee caruurta dhalay ee kala tegay laba qof oo caruur lagu aamini karo. Intaa ka dib waxaanu ku nidhi noo keena cid kale oo ehelkiina ah oo caruurtan masuuliyadooda qaadi karta waanan u diidnay in aanu ku wareejino hooyada iyo aabbaha dhalay saddexdan caruurta ah ee kala tegay oo ay nooga muuqato in ay yihiin dad qayrul masuul ah oo aan caruurta lagu aamini karayn.”

Guddoomiye Yaasiin Maxamed Shide oo ka hadlayay cidda ay caruurta u dhiibayaan,ayaa yidhi. “Caruurta waxaanu ku wareejinaynaa gabadha dhashay hooyadeed oo joogta Burco caruurtana ayeeyo u ah sidaana waxaanu u yeelaynaa in aanay dayacmin caruurtu oo ay helaan cid masuuliyadooda si rasmi ah u qaadi karta.”.

 

 Xigasho Dawan
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories