HomeGuddoomiyaha Gobolka Saaxil oo Suxuufiyiinta ka hawl-gala gobolkaas ugu hanjabay inaanay ka...

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil oo Suxuufiyiinta ka hawl-gala gobolkaas ugu hanjabay inaanay ka hawl-galayn haddii aanay isaga ruqsad ka haysan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera (SLpost)-Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay inuu ruqsad iyo liisan ku soo rogi doono Suxufiyiinta ka hawl-gala magaalo-madaxda gobolka Saaxil ee Berbera.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil waxa uu hadalkan hanjabaadda ah ka sheegay mar uu todobaadkii hore Warbaahinta kula hadlayay madaarka magaalada Berbera, halkaasi oo ay koox suxufiyiin ahi u tageen soo dhawayntii weftigii madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dalka ku soo guryo-noqonayay.

blank“Waxaan idiin sheegayaa in aan dhawaan ragga suxufiyiinta gobolka Saaxil ka hawl-gala aan ku soo rogi doono liisan oo aanu ka hawl-geli Karin in mid aan waraaq ogolaansho ah iyo liisan aan ka qaadan maamulka gobolka,”ayuu Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ku yidhi koox suxufiyiin reer Saaxil ah oo madaarka u joogay soo dhawaynta weftigii qaran ee madaxweynaha Somaliland Hoggaaminayay.

Guddoomiyuhu wuxuu Suxufiyiintii halkaasi joogtay u soo jeediyay hadallo isugu jiray handidaad, hanjabaad iyo cago-juglayn, isaga oo tilmaamay inuu si adag ula xisaabtami doono.

Mid ka mid ah suxufiyiintii ka tagay magaaladda Hargeysa oo goobtaasi ku sugnaa ayaa ugu jawaabay. “Guddoomiye, waxa warbaahintu ay ogolaansho sharciya ka qaateen wasaaradda warfaafinta iyo Xeer-ilaalinta Guud ee qaranka ee maxaa kalifaya inaad ogolaansho siiso?”

Mr. Ramaax waxa uu si cadho leh ugu hal-celiyay suxufigaasi, “Adeer Anigu gobolka aan masuulka ka ahay ayaan ka hadlayaa ee Hargeysa kama hadlayo. Nin suxufiya oo aan iga haysan qoraal ogolaansho ahina kama shaqayn doono halkan (Berbera).”

“Ogolaansho waxa imika iga haysta oo qudha C/Kariim Siciid Saalax (Wakiilka Horn Cable) iyo Mukhtaar C/Raxmaan (Weriye Ka tirsan TV-ga Qaranka) inta kalena waan ku soo rogayaa,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Saaxil.

Suxufiyiintii  ka hawl-gala gobolka Saaxil ayaa inta badan kaga Cawda Guddoomiyaha gobolaka Saaxil inuu ku hayo hanjabaad aan kala go’ lahayn iyo cago-juglayn uu ku faro-gelinayo shaqadooda.

Source:  SOMALILAND.ORG

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories