HomeGuddoomiyaha Gobolka Awdal Oo Ka Hadlay Xadhiga Maayar Ku Xigeenkii Hore...

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Oo Ka Hadlay Xadhiga Maayar Ku Xigeenkii Hore Ee Boorama

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Guddoomiyaha gobolka Awdal, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa ka hadlay xadhigga Maayar ku-xigeenkii hore ee degmada Boorame Maxamed Muxumed Faarax (Dheerayste)  oo ka mid ah golaha deegaanka degmada Boorame  oo shalay ciidanka boolisku xidheen, ka dib markii  Maxkamadda degmada Boorame ay u soo qortay waaran soo qabasho ah.

index

Guddoomiyaha Awdal, ayaa intaa ku daray in xadhigiisu la xidhiidho hadalo lid ku ah qaranimada Somaliland oo xildhibaanku ka sheegay shir jaraa’id oo dorraad uu ku qabtay magaalada Boorame isla markaana ku dhaliilay ciidanka booliska iyo sidii ay uga difaaceen askartii Liyuu booliiska ahayd ee gudaha Somaliland falalka baadhashada ah ka geysanayay ee ay tallaabada ka qaadeen.

Guddoomiye Shiine, waxa kale oo uu intaa ku daray in Maayar ku-xigeenkii hore ee Boorame in uu gef ka galay qaranimada Somaliland oo uu nabadgelyada dalka ka dhigay mid ay masuul ka yihiin oo ay ilaaliyaan ciidanka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Liyuu booliisku isla markaana ay iyagu masuul ka yihiin nabadgelyada dadka iyo deegaanka gobolka Awdal.taasoo meel ka dhac ku ah qarannimada Somaliland.

“Xildhibaanku sharciga kama weyna qof kasta oo reer Somaliland ahna sharcigu wuu qabanayaa xadhigiisana Maxkamad ayaa soo amartay ka dib markiii uu qaranimada Somaliland ka dhigay mid aan jirin oo nabadgalyadeeda ay ilaaliyaan Liyuu booliisku. waxa kaloo  uu fidmo ka dhex waday gobollada Awdal iyo Gabiley iyo in uu ciidanka booliska Somaliland gef kula kacay oo u aflagaadeeyay.waxaa kale oo uu booliska ku aflagaadeeyay sidii ay uga hawl-galeen Liyuu booliskii soo galay deegaanka Gabro Haadlay.” ayuu yidhi Guddoomiye  Mustafe  Shiine oo u warramay Wargeyska Dawan oo aanu warkan ka soo xiganay.

Dhinaca kale Xildhibaanka shalay Maxkamadda  Boorame amartay xadhigiisa ayaa si qarannimada ka baxsan u weeraray ciidanka booliska iyo ciidanka qaranka ee heeganka ugu jira xilli kasta sugidda amniga dalka iyo dadka waxaanu si aan gabbasho lahayn shir jaraa’id oo uu Boorame ku qabtay ugu sheegay in nabadgelyada gobolka Awdal ay ilaaliyaan oo ay sugaan ciidanla Liyuu booliiska ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu ku tilmaamay in ay yihiin ciidan ku sugan gudaha Somaliland oo ha hawlgala degmooyin ka tirsan gobolka Awdal. Taasi oo waxba kama jiraan ah.

“Degmada Idhanku waxa ay nabadgelyada kala xaalaan ee  maalin kasta iyo bil kasta ay ka wada hadlaan ee u soo gurmada waa ciidanka Liyuu booliiska oo haddii laba qof ama laba xaafadood ay isku dhacaan u yimaadda oo nabadgelyadooda suga,”ayuu yidhi Xildhibaanka la xidhay oo ammaanka Somaliland ku sheegay in ay masuul ka yihiin oo ay sugaan ciidan dal kale leeyahay taasoo ah dambi qaran oo aad u wayn oo uu dalka ka galay.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories